Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga ” Ujeedka Xeerka la dagaallanka Argagixisada waa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga ” Ujeedka Xeerka la dagaallanka Argagixisada waa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa muhiimadda uu leeyahay xeerka la dagaallanka Argagixisada ku sheegay in uu yahay sidii dalka looga ciribtiri lahaa Kooxda Argagixisada laguna xakameyn lahaa falal danbiyeedyada ka dhasha Argagixisada loona dhowri lahaa sarreynta sharciga iyo Xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sheegay Wasiir Isloow in xeerkaan uu ka kooban yahay afar qeybood oo ka kooban 37-Qodob, sidoo kale, Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in xeerkaan uu waafaqsan yahay dastuurka KMG ah, isagoo dhanka kale caddeeyay in uu xeerkaan la jaan qaadayo qaraarrada la dagaallanka iyo ka hortagga Argagixisada ee ka soo baxa Qaramada Midoobay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka oo shalay hortagay Golaha shacabka ayaa caddeeyay in faa’idada uu xeerkaan leeyahay ay tahay in uu si cad u qeexayo wuxuu yahay Argagixiso iyo fal argagixiso, wuxuuna adkeynayaa cadaalada iyo daba galka, xaqiijinta iyo caddeynta danbiyada argagixisada.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo shalay kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay ka doodeen Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin.

1:Ansixinta Soo jeedinta Guddiga Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda 2018

2:Akhrinta1-aad hindise Sharciyeedka la dagaallanka Arggagixisada

3:Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta hubka wax dila.

Ansixinta Xeerka la dagaallanka Argagixisada ayuu muhiim u yahay sidii dalka looga cirib tiri lahaa kooxaha Argagixisada oo hadda gabalkooda uu sii dhacayo, waxaana hadda socda howgallo la doonayo in looga sifeeyo deegaannada fara ku tiriska ay ku harsan yihiin.

Previous Post

R/wasaare Kheyrre oo maanta dhagax dhigaya xabsi laga dhisayo Baydhabo

Next Post

Emmerson Mnangagwe”Zimbabwe waxaa u dhalatay Dimoqraadiyad cusub”

Next Post
Emmerson Mnangagwe”Zimbabwe waxaa u dhalatay Dimoqraadiyad cusub”

Emmerson Mnangagwe”Zimbabwe waxaa u dhalatay Dimoqraadiyad cusub”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In