Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo Kuwait kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo Kuwait kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo socdaal shaqo ku tegay dalka Kuwait ayaa waxaa magaalada Kuwait city kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kuwait oo ay isla meel dhigeen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan.

Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo wafdi la socday markii uu gaaray dalka Kuwait waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait oo uu ugu horeeyo ku-xigeenka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait ahna qunsulka safaaradda Abiib Muuse Faarax iyo xubno kale.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa ugu horeyn la kulmay Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah oo ah  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kuwait, kaasi oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii ay dib u furan lahaayeen safaaradda Kuwait ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu Wasiir Cabdisalaan Hadliye la kulmay Jaber Mubarak Al-Hamad Al-Sabah oo ah Ra’iisul wasaaraha Kuwait oo ay ka hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan dalka Kuwait ayaa tilmaamay in kulamada uu la qaatay madaxda Dalka Kuwait ay guul ku soo dhamaadeen, isla markaana ay balan qaadeen inay mashaariic kala duwan ka hirgelin doonaan Soomaaliya.

“Madaxda aan la kulmay ee dalka Kuwait waxay ii balan qaadeen in tacliinta sare ee dalka ay wax ka qaban doonaan, labo bil ay dalka Kuwait ku qaban doonaan shir caalami ah oo lacag loogu uruurrinayo ardayda Soomaaliyeed, iyo in deymaha lagu leeyahay  Soomaaliya laga cafiyo, si ay u hesho deymo hor leh, waxaan kaloo ka wada hadalnay sidii xagga ganacsiga la isaga kaashan lahaa” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

1 2 3 4

 

Previous Post

Qarax ka dhacay Ankara oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Next Post

Wasiirka dhallinyarada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Ingiriiska “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka dhallinyarada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Ingiriiska “SAWIRRO”

Wasiirka dhallinyarada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Ingiriiska “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In