Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo Kuwait kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo Kuwait kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo socdaal shaqo ku tegay dalka Kuwait ayaa waxaa magaalada Kuwait city kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kuwait oo ay isla meel dhigeen arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan.

Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo wafdi la socday markii uu gaaray dalka Kuwait waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait oo uu ugu horeeyo ku-xigeenka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait ahna qunsulka safaaradda Abiib Muuse Faarax iyo xubno kale.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa ugu horeyn la kulmay Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah oo ah  Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kuwait, kaasi oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii ay dib u furan lahaayeen safaaradda Kuwait ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu Wasiir Cabdisalaan Hadliye la kulmay Jaber Mubarak Al-Hamad Al-Sabah oo ah Ra’iisul wasaaraha Kuwait oo ay ka hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo dhiiri gelinta maalgeshiga ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan dalka Kuwait ayaa tilmaamay in kulamada uu la qaatay madaxda Dalka Kuwait ay guul ku soo dhamaadeen, isla markaana ay balan qaadeen inay mashaariic kala duwan ka hirgelin doonaan Soomaaliya.

“Madaxda aan la kulmay ee dalka Kuwait waxay ii balan qaadeen in tacliinta sare ee dalka ay wax ka qaban doonaan, labo bil ay dalka Kuwait ku qaban doonaan shir caalami ah oo lacag loogu uruurrinayo ardayda Soomaaliyeed, iyo in deymaha lagu leeyahay  Soomaaliya laga cafiyo, si ay u hesho deymo hor leh, waxaan kaloo ka wada hadalnay sidii xagga ganacsiga la isaga kaashan lahaa” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

1 2 3 4

 

Previous Post

Qarax ka dhacay Ankara oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Next Post

Wasiirka dhallinyarada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Ingiriiska “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka dhallinyarada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Ingiriiska “SAWIRRO”

Wasiirka dhallinyarada oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Ingiriiska “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In