Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom” Dhageyso

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Wareysiyada
0
Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom” Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiika Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya uu baal maray hanaankii u degsanaa xafiiskiisa, isla markaaana ay dowladdu ka qaadatay go’aan cad oo ah in uusan dalka ka shaqeyn karin.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee dalkalooga eryay ay tahay in uu hareer maray hanaankii iyo asluubtii UN-ka, isla markaana uu meel uga dhacay Qaranimada Soomaaliya, dowladuna ay ka qaadatay go’aan ah in uu dalka isaga baxo.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in Danjire Nicholas Haysom uu sameeyay waxyaabo fara gelin ku ah Qaranimada Soomaaliya, isagoo ugu dambeyn soo saaray warqado uu u qoray qaar ka mid ah xafiisyada dowladda oo uu eedeymo u jeedinayay, taasi oo uu Wasiirku ku sheegay inay tahay mid meel looga dhacayo Qaranimada Soomaaliya.

“Go’aanka lagu eryay Nicholas Haysom laguma deg degin, ee waan la fiirsanay, waxaana siinay waqti innagoo u gudbinay talooyin, balse maalinkii uu dalka yimid wuxuu samaynayay hadalo meel ku dhac ku ah Qaranimada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Halkan ka dhageyso

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/01/WASIIRKA-ARRIMAHA-DIBADDA-SOOMAALIYA-AXMED-CIISE-CAWAD-.mp3
Previous Post

Maanta shalay ma’ahan.!!

Next Post

10 ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Baay

Next Post
10 ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Baay

10 ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Baay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xaflad sagootin ah u sameeyay Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magaalada Muqdisho xaflad sagootin ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka Islaamka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Raabidada Caalamka...

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In