Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom” Dhageyso

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Barnaamijyada, Wararka, Wararka Raadiyahaa, Wareysiyada
0
Wasiirka Arrimaha dibadda: “Laguma deg degin go’aanka aan ka qaadanay Haysom” Dhageyso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiika Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya uu baal maray hanaankii u degsanaa xafiiskiisa, isla markaaana ay dowladdu ka qaadatay go’aan cad oo ah in uusan dalka ka shaqeyn karin.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee dalkalooga eryay ay tahay in uu hareer maray hanaankii iyo asluubtii UN-ka, isla markaana uu meel uga dhacay Qaranimada Soomaaliya, dowladuna ay ka qaadatay go’aan ah in uu dalka isaga baxo.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in Danjire Nicholas Haysom uu sameeyay waxyaabo fara gelin ku ah Qaranimada Soomaaliya, isagoo ugu dambeyn soo saaray warqado uu u qoray qaar ka mid ah xafiisyada dowladda oo uu eedeymo u jeedinayay, taasi oo uu Wasiirku ku sheegay inay tahay mid meel looga dhacayo Qaranimada Soomaaliya.

“Go’aanka lagu eryay Nicholas Haysom laguma deg degin, ee waan la fiirsanay, waxaana siinay waqti innagoo u gudbinay talooyin, balse maalinkii uu dalka yimid wuxuu samaynayay hadalo meel ku dhac ku ah Qaranimada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Halkan ka dhageyso

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/01/WASIIRKA-ARRIMAHA-DIBADDA-SOOMAALIYA-AXMED-CIISE-CAWAD-.mp3
Previous Post

Maanta shalay ma’ahan.!!

Next Post

10 ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Baay

Next Post
10 ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Baay

10 ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Baay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In