Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qeybgalay shirki ugu horreeyay ee wadamada carabta iyo India+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qeybgalay shirki ugu horreeyay ee  wadamada carabta iyo India+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar oo ka qeyb galey shirkii ugu horeeyey ee Wasiirada Arrimaha Dibaddda ee dalalk Carabta iyo Hindiya

Wafdi uu hogaaminay Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaaliyua Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa ka qeyb galey shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada carabta iyo dowlada Hindiya oo ka furmey magaalada Manama ee dalka boqortooyada Baxreen.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Shirkan ayaa ahaa mid loogu doodaayey sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dowladaha carabta iyo dowladda Hindiya, qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa: Ikaashiga dhinaca siyaasadda, Dhaqaalaha iyo ganacsiga, Tamarta, dhowrista bii’ada, beeraha iyo isku filaanshaha wax soo saarka beeraha, tayeenta kaabayaasha dowlada Waxbarasha iyo dhaqanka, Warbaahinta, Iskaashiga dhinaca Horumatinta tayada bulshada iyo dhinaca caafimaadka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka hadley shirkan wuxuuna xusey xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya dowladda Hindiya iyo wadamada carabta.  Wuxuu ka hadley in si wada jir ah loo waajaho argagixisada caalamka.  Wuxuu kaloo uu sheegey in Somaaliya maanta ay isbedel weyn ka sameesey dhinaca nabadgelyada iyo deganaanshaha dalka, wuxuu xusey in iskuulada si caadi ah loo tago, suuqyada iney buuxaan oo si caadi ah loogu adeegto, iyo Soomaaliyada ku noolaa dibadaha ay dalka ku soo noqonaayaan si ay ugu qeyb galaan dib u dhiska dalka.

Xiriirka dowlada Hindiya iyo dowladaha carabta ayaa lagu tilmaamey iney tahay mid aad u qoto dheer, waxaana la ogyahay in ka badan 6 million shaqaale oo u dhashey dalka Hindiya ay ka shaqeeyaan dalalka carabta, gaar ahaan dalalka khaliijka.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Marwo Ebyan  Ladane Saalax Safiirada Soomaaliya u fadhisa dalka Hindiya ahna gudoomiyaha safiirada Carabta ee dalka Hindiya “Dean of Arab Leagues” iyo Mudane Saalim Macow Xaaji oo La taliyaha Koowaad iyo ku xigeenka safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga.

Shirka wuxuu ku soo dhamaadey guul iyo is afgarad, waxaana lagu iclaameyey si wada jir ah qodobadii shirka ka soo baxay
“Manama Declaration” oo ah shirkii ugu horeeyey ee wasiirada Cabarbta iyo Hindiya ay ku wada kulmaan

8820478a-9488-474f-a370-a59d99d0b57f 36120920-5b74-4c8a-a029-8d0dae69503c a4fec2db-3f37-4272-85d5-c5b373698567 a8e63c2c-c0b2-42a0-b77a-173ef5178d09 aed22941-3c99-4a85-915e-4a54b6357558 c46cb528-a747-4fa4-a17c-5d5d920bbd7b f7862564-71db-4764-a2d8-70c62547b2d6

Previous Post

Deegaanka Dacdheer oo Cadaado hoosyimaada oo biya la’aani ka jirto “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo soo gaaray Muqdisho+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo soo gaaray Muqdisho+Sawirro

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo soo gaaray Muqdisho+Sawirro

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In