Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah kulan furan la qaatay dhammaan Shaqaalaha ka howlgalla xarunta Wasaaradda, kaasoo ujeeddadiisu ahayd soo bandhigista hiigsiga iyo qorshayaasha hortabinta u leh Shaqada oo ay ku jiraan dhaqangelinta siyaasadaha iyo shuruucda dibadda iyo gudaha, iyadoo Shaqaalaha Wasaaradda ay soo bandhigeen aragtiyadooda iyo fikradaha ka qeybqaadanaya dardargelinta howlaha Shaqo.

Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in la guda-galay diyaarinta hannaan dib u habeyn ku sameynaya Wasaaradda oo ay ka shaqeynayaan labo guddi oo horey loo magacaabay, si loo gaaro dhaqangelinta siyaasadaha iyo shuruucda dibadda iyo gudaha oo ka qeybqaadanaya hiigsiga waxtarka u leh Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed, hannaankaa oo sidoo kale mudnaan siinaya Shaqaalaha Wasaaradda ee khibrada,waayo-aragnimada iyo wadaniyadda u leh howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Wasiirka, ayaa sidoo kale ka jawaab celiyay tallooyinka iyo waydiimaha ka yimid shaqaalaha ,isagoo markaa sharraxaad ka bixiyay halka la hiigsanayo inay tahay waqtigan muhiimka u ah dalka in hoggaanka iyo howlwadeennada Wasaaradda ay soo bandhigaan howlqabadka isbeddelka la hiigsanayo lagu gaaro, wuxuuna markaa hoosta ka xariiqay in wixii hadda ka dambeeya darajooyinka iyo dalacsiinta shaqada oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta dibadda ka howlgalaya inay ku imaanayaan si daahfuran oo ku salaysan dadaalka wadajirka ah iyo midka shaqsiyadeed ee lagu soo bandhigo shaqada.

 







Previous Post

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo kulan mira dhal ah la qaadatay Madaxa Hay’adda ACF-USA

Next Post

Qoysas barakacayaal ah oo guryo looga dhisayo Waqooyiga Kismaayo

Next Post
Qoysas barakacayaal ah oo guryo looga dhisayo Waqooyiga Kismaayo

Qoysas barakacayaal ah oo guryo looga dhisayo Waqooyiga Kismaayo

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In