Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan daah-furan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah kulan furan la qaatay dhammaan Shaqaalaha ka howlgalla xarunta Wasaaradda, kaasoo ujeeddadiisu ahayd soo bandhigista hiigsiga iyo qorshayaasha hortabinta u leh Shaqada oo ay ku jiraan dhaqangelinta siyaasadaha iyo shuruucda dibadda iyo gudaha, iyadoo Shaqaalaha Wasaaradda ay soo bandhigeen aragtiyadooda iyo fikradaha ka qeybqaadanaya dardargelinta howlaha Shaqo.

Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in la guda-galay diyaarinta hannaan dib u habeyn ku sameynaya Wasaaradda oo ay ka shaqeynayaan labo guddi oo horey loo magacaabay, si loo gaaro dhaqangelinta siyaasadaha iyo shuruucda dibadda iyo gudaha oo ka qeybqaadanaya hiigsiga waxtarka u leh Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed, hannaankaa oo sidoo kale mudnaan siinaya Shaqaalaha Wasaaradda ee khibrada,waayo-aragnimada iyo wadaniyadda u leh howlaha shaqo ee Wasaaradda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka, ayaa sidoo kale ka jawaab celiyay tallooyinka iyo waydiimaha ka yimid shaqaalaha ,isagoo markaa sharraxaad ka bixiyay halka la hiigsanayo inay tahay waqtigan muhiimka u ah dalka in hoggaanka iyo howlwadeennada Wasaaradda ay soo bandhigaan howlqabadka isbeddelka la hiigsanayo lagu gaaro, wuxuuna markaa hoosta ka xariiqay in wixii hadda ka dambeeya darajooyinka iyo dalacsiinta shaqada oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta dibadda ka howlgalaya inay ku imaanayaan si daahfuran oo ku salaysan dadaalka wadajirka ah iyo midka shaqsiyadeed ee lagu soo bandhigo shaqada.

Previous Post

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka oo kulan mira dhal ah la qaadatay Madaxa Hay’adda ACF-USA

Next Post

Qoysas barakacayaal ah oo guryo looga dhisayo Waqooyiga Kismaayo

Next Post
Qoysas barakacayaal ah oo guryo looga dhisayo Waqooyiga Kismaayo

Qoysas barakacayaal ah oo guryo looga dhisayo Waqooyiga Kismaayo

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In