Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Safiirka China u qaabilsan Soomaaliya”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Safiirka China u qaabilsan Soomaaliya”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdusalam Hadliye Cumer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Wei Hongtian oo ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labda dal,iskaashiga,fulinta barnaamijyo horumarineed iyo dhaqan-gelinta heshiisyo labada dowadood hore u kala saxiixdeen .

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray danaha wadaagga ah iyo dardar-gelinta mashaariic dib u dhis oo laga fuliyo dalka Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh,ayaa waxaa goob joog ka ahaa lataliyeyaal ka tirsan Xafiiska Wasiirka iyo diblomaasiyiin ka howlgala Safaaradda China ee ee Caasimadda Muqdisho.

Waxaa xusid mudan,in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka China oo soo taxanaa muddo hadda laga joogo 600 sano,iyadoo Culimada iyo Ganacsatada China ay booqdeen deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya sanadkii 1420-kii (Miilaadiyah) si isdhaafsi ganacsi ,dhaqan iyo dhaqaale ula wadaagaan dadka Soomaaliyeed.

Dowladda China ayaa aqoonsatay qaranimada iyo gobonimada Jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii December sanadkii 1960 –kii ,taa badalkeeda Dowladda Soomaaliya waxa ay hormuud u aheyd,olole hogaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda China ay xubin buuxa oo joogta ah ka noqoto Golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay Xukuumadda Beijing inay yeelato awoodda codka qayaxan ee diidmada.

IMG_0188

IMG_0193

IMG_0195

Previous Post

Dhageyso Bandhiga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Mustafa Dhuxulow oo ka hadlay xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta

Next Post
Wasiir Mustafa Dhuxulow oo ka hadlay xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta

Wasiir Mustafa Dhuxulow oo ka hadlay xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In