Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday xarunta cusub Warbaahinta Qaranka ee Columbus Ohio “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday xarunta cusub Warbaahinta Qaranka ee Columbus Ohio “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu booqday xarun cusub oo Columbus looga furay Telefishinka iyo Radiyaha Qaranka.

Booqashada Wasiirka ee xarunta ayaa waxaa ku wehliayay xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus, iyaga oo markii ay halkaasi gaareen kula kulmay qaar kamid ah howlwadeenada Warbaahinta ee dalka Mareykanka.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Wasiirku waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay howsha la qabtay iyo sida loogu dhiiraday in si is xilqaan leh loo hirgaliyay xaruntan oo ah meel la galiyay waqti iyo dadaal badan.

“Howshii ay Wasaaradda Warfaafintu qaban lahayd Wasaaradda arrimaha dibaduna idinku garab siin ahayd ayaad si mutadawacnima ah u qabateen, waana wax lagu faano” ayuu yiri Wasiirka oo intaa ku daray in Qaranka oo waqti iyo hantiba loo huro ay qayb ka noqonayso soo celinta jiritaankeenii, waxana uu uu tusaale u soo qaatay mudadii ay wadeen howsha safaaradda Soomaaliya ku leedahay Washington DC in sidan oo kale dad iskood isku abaabulay ay safaaradda u adeegayeen kuwaas oo ilaa iminka u adeega sida Wasiirku xaqiijiyay.

Deeqo Shire (SONNA) oo ah shaqsiga lafdhabarka u ah howshan ayaa u mahadcelisay Wasiirka iyo xubnihii la socday, iyada oo ku tilmaamtay howshan in ay tahay mid ay Qaranka ugu adeegayaan isla markaana aysan cidna wax uga raadsanayn.

Deeqo ayaa xusatay in sanado badan Telefishinka Qaranka uu ka shaqeyayay Columbus laakiin hadda ay tahay xiligii ugu horeeysay oo xarun noocan ah loo furo, waxay tiri “Waxay noo tahay dhiirogalin iyo Niyad wanaag in Wasiirka Arrimaha dibadda uu nagu soo booqdo xaruntan, isla markaana uu nagu dhiirigeliyo howsha aan qabanay inaga oo aan wax sharuud ah u yeelin mudo ku dhow 7 sano”

Deeqo Shire (SONNA)

Previous Post

Ku-simaha Taliyaha ciidanka booliska oo dhiiri gelin u sameeyay ciidamado uu ku booqday Baydhabo

Next Post

Gudigii uu Madaxweynuhu u xilsaaray Nabadaynta Caabdudwaaq oo dadaallo Nabadeed ka wada Xeeraale “Dhageyso”

Next Post
Gudigii uu Madaxweynuhu u xilsaaray Nabadaynta Caabdudwaaq oo dadaallo Nabadeed ka wada Xeeraale “Dhageyso”

Gudigii uu Madaxweynuhu u xilsaaray Nabadaynta Caabdudwaaq oo dadaallo Nabadeed ka wada Xeeraale "Dhageyso"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In