Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la magacaabay Maxamed Cabdirisaaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble  iyo Wafdigii uu hogaaminayay ee  safarka  shaqo ku jooga Dalka Kenya ayaa gaaray magaalada Nairobi oo uu sii joogi doono inta ka dhiman safarkiisa Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in safarka Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha uu ka soo bilowday magaalada Mombasa ee dalka Kenya, halkaasi oo uu sheegay inay u soo dhamaatay kulan hal maalin ah oo uu Ra’iisul Wasaaraha kula qaatay Mombasa Madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta.

Related posts

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 22, 2026
Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

August 22, 2026

“Markii uu Wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble Kenya soo gaaray waxaa na soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya, kadib magaalada Mombasa ayaa naloogu sameeyay qado sharaf, kadib wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana kulanka looga wada hadlay sidii dib loo soo celin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed, kan darisnimo iyo Walaalnimo ee Soomaaliya iyo Kenya oo ku dhisan isku socodka dadweynaha, amniga iyo ganacsigam si fiican ayuuna kulanka ku dhacay”. Ayu yiri Wasiirka.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa xusay in kulanka aan looga hadlin arrinta badda, waxaana uu intaa ku daray in shirka diiradda lagu saaray in la sii ambo qaado sidii guddiga heerfarsamo ee labada dhinac Kenya iyo Soomaaliya kulan ku yeelan lahaayeen Muqdisho, maadaama labadii kulan ee hore lagu qabtay Kenya.

Previous Post

Masjidka ugu weyn magaalada Xudur oo maanta la daah furay “SAWIRRO”

Next Post

Mamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidanka Qalabka sida iyo AMISOM oo ka shiray Nabadgelyada Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post
Mamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidanka Qalabka sida iyo AMISOM oo ka shiray Nabadgelyada Beladweyne “SAWIRRO”

Mamulka Gobolka Hiiraan, saraakiisha Ciidanka Qalabka sida iyo AMISOM oo ka shiray Nabadgelyada Beladweyne “SAWIRRO”

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka ee Shabeellaha Dhexe oo dilay Laba Horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada Deegaanka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa 21-kii bishaan Agoosto laba weerar oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab...

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

Deegaanka Hul-Caduur oo halis ugu jira in looga guuro Bacaad kusii fidaya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Deegaanka Hul-Caduur oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa wajahaya xaalad adag, kaddib markii Bacadku si weyn...

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

Kaaliyaha taliyaha CXDS oo Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi ka socda Isbahaysiga IMCTC

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Kaaliyaha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Madey nurey sheikh ufurow, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BEIJING):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdigataax Qaasim Maxamuud, oo magaalada Beijing ee xarunta dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In