Mogadishu, March 05, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Alessandra Morelli oo ah Wakiilka hey’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga ( UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya , oo ay ka wada hadleen kaalinta hey’adaasi ay ka qaadato arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Kenya , Ethiopia , Djibouti iyo Yemen .
Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa sheegay in Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii ay u soo ceshan laheyd kaalintii ay ku laheyd gobolka bariga Afrika , si ay u noqoto dowlad nabadda iyo deganaanshaha ku caan ah , kana maran loolan dhiig ku daato iyo dagaalo sokeeye .
Alessandra Morelli ayaa dhankeeda sheegtay in kaalmooyin samafal ay gaarsiiyaan qaxootiga Soomaaliyeed , si loo yareeyo dhibaatooyinka ku heysta dalalka shisheeye .
Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah Lataliyeyaasha Xafiiska Wasiirka .