Monday, January 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbiya 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
10 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbiya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallim Fiqi oo khadka Telefoonka kula hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Marko Djuric ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

“Soomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo waxa uu gaarayaa muddo 65 sano ah, waxaan xoojin doonnaa, korna u qaadi doonnaa xiriirkeenna wadaagga ah oo muddadaa fog jiray” ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

January 5, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

January 5, 2026

Danjire Marko Djuric Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa boogaadiyay horumarka dhanka Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda ee dhexdhexaad ka ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato danaha is diidan ee yaala Golayaasha Caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa ballan qaaday in ay dowladdiisu taageero la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

“Mar walba Soomaaliya waxay noo tahay saaxiib gaar ah, waxaan rumeysannahay in aan wax badan wada-qabsan karo” ayuu yiri Marko Djuric.

Ugu dambeyn, labada Wasiir ayaa isla gartay in booqashooyin rasmi ah isweydaarsadaan, si loo ballaariyo fursadaha jira si looga wada faa’iideysto arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo Tiknoolajidda.

Previous Post

Hantidhowraha Guud ee JFS oo ka qeybgalayo Shirweynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee QM

Next Post

SoDMA oo furimaha hore ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir

Next Post
SoDMA oo furimaha hore ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir

SoDMA oo furimaha hore ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

January 5, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar " Gen Khaalid" oo maalmihii la soo dhaafay howlo shaqo u...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

January 5, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la...

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo casriyeeyay

January 5, 2026
0

Muqdisho, 5 January 2026:- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daauud Aweys Jaamac ayaa maanta xarigga...

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

War Saxaafadeed: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

January 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In