Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa maanta lagu wadaa in khudbad uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya uu ka jeediyo kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo arimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool daafaha caalamka , la dagaalanka Al-Shabaab , iyo sidoo kale doorashooyinka lagu wado in ay dhawaan ka dhacaan Soomaaliya.
Wasiir hadliye oo mataalaya dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wado in uu soo hadal qaado taageerada ay beesha caalamku siiso Soomaaliya iyo sidoo kale sidii loo kordhin lahaa.
Kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wali ka socda magaalada New York iyadoo ay khudbadaha madaxda caalamka lagu soo qaadayo arrimo badan oo kala duwan.