Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda dalka Liibiya.
Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Tripoli Mudane Fathallah Abdel-Latif Al-Zani, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Liibiya.
Safarka Wasiirka ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Afrika, kor u qaadista iskaashiga laba geesoodka ah, iyo adkeynta xasilloonida iyo horumarka wadajirka ah ee qaaradda.











