Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qaybgalay Madasha Afaraad ee Heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Dalalka ku Teedsan Labada Badweyn ee Indo-Pacific

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
10 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qaybgalay Madasha Afaraad ee Heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo Dalalka ku Teedsan Labada Badweyn ee Indo-Pacific
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga qaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).

Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka, ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga ah, iskaashiga dhinacyada badan, iyo xasilloonida gobolka.

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Madashan waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal, oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga ah.

Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeradiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga ah. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasilloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga ah.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Next Post

Munaasabad lagu weynaynayo Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed oo ka socota Muqdisho

Next Post
Munaasabad lagu weynaynayo Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed oo ka socota Muqdisho

Munaasabad lagu weynaynayo Maalinta Macalimiinta Soomaaliyeed oo ka socota Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In