Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo ka qeyb-galay Shirka caalamiga ah ee Ururka G77 oo lagu qabtay Cuba

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha dibadda XFS oo ka qeyb-galay Shirka caalamiga ah ee Ururka G77 oo lagu qabtay Cuba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Huruuse, ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ah ee Ururka G77+China oo Laba maalin ka socday Magaalada Havana ee dalka Cuba.

Ururka G77, ayaa markii hore lagu Aasaasay 77 dal oo dalkeennu ku jiray tan iyo 15 Juun 1964, oo hadda 60 sano jirsadey, Waxaana xubno ka ah 134 dal oo ay ku nool yihiin 80% dadka adduunku.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Shirkaan, ayaa ku saabsanaa kaalinta sayniska, hal-abuurka iyo Tiknoolajiyaddu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha adduunka.

Wasiirka, ayaa khudbadiisa Shirka kaga hadlay horumarka baaxadda leh ee dalkeennu ka gaaray xagga Isgaarsiinta, lacagaha danabaysan iyo adeegyada Bangiyada ee Telefoonka laga isticmaalo oo dalkeennu ka mid yahay kuwa ugu hormarsan dunida.

Waxa uu Wasiirka kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda wufuudda shirka kasoo qayb gashay iyo kuwa dawladda martida loo yahay ee Cuba.

Wasiir Abshir Huruuse oo shirkan Soomaaliya ku matalayay ayaa yiri “Ujeeddada shirarkan ayaa ahaa adkaynta iskaashiga iyo xiriirka waddamada aan saaxiibada dhow nahay iyo kuwa aynu xubnaha ka wada nahay ururrada caalamiga ah ee aynu had iyo goor iska kaashanno qaddiyadaha caalamiga ah”

Wasiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Dawladdeennu waxay marwalba mudnaanta Kowaad siisaa in ay bulshada caalamka kula dhaqanto siyaasad xasiloon oo ku dhisan saaxiibtinimo, Iskaashi iyo is qaddarin”

Previous Post

Prime Minister Hamza leaves for the US to attend UN General Assembly

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo faah faahin ka bixiyay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta 

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo faah faahin ka bixiyay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo faah faahin ka bixiyay guulaha laga gaaray dagaalka khawaarijta 

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In