Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula yeeshay magaalada Jeddah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka Tunisia Mudane Maxamed Cali Nafti, kaasi oo ka dhacay kal-fadhiga gaarka ah ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo looga hadlayay midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada Wasiir ayaa waxa ay si qoto dheer uga wada hadleen aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil siisay Gobalka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland, iyagoo si cad u diiday tallaabo kasta oo xadgudub ku ah midnimada, madax-bannaanida dhuleed iyo Qaranimada Soomaaliya.
Labada dhinac waxay si wadajir ah u xaqiijiyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga caalamiga ah iyo taageeridda dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada Qaran iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.










