Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali- Xoosh ayaa casho sharaf u sameeyey Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo agaasimeyaasha guud ee dowlad goboleedyada iyo Maamulka Kumeelgaarka ah ee Khaatumo ee ka qeybgalay Madasha Iskuwidda Xasillinta dalka.
Cashada waxaa kale oo qeyb ka ahaa Guddomiyaha Heyโadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Maareeyaha heyโadda NIRA, Agaasimayaal iyo masโuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.























