Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Tacsiyeeyey Nabadoonaddii Xalay Lagu Laayay deegaanka Abooray

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Tacsiyeeyey Nabadoonaddii Xalay Lagu Laayay deegaanka Abooray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda dhagarqabayaasha argigixisada Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada Beesha Baadicadde oo kala ah.

(1) Nabadoon Yuusuf Fiidow  iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026

(2)  Nabadoon Mukhtaar Xaaji

(3)  Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare

Waxaana Sidoo kalena lagu dhaawacay  Nabaddoon Axmed Xasan.

Falkan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay kooxda aragagixasadu u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa kooxda Al-shabaab ayaa loo galiyey miino wadadii ay ku safrayeen deeegaanka Abooray oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay  Al-shabaab Askareeyaan.

Wasaaradda waxaa ay u tacsiyeynaysaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay nabadoonnadu ka baxeen,  waxayna ku baaqaysaa in meel looga soo wada jeesto cadowgaas aan diin iyo dhaqanba xushmeyneyn, lana garab istaago kacdoonada ka dhanka ah argagixisada ee la isaga xoraynayo gaboodfallada kooxda Al-Shabaab.

Previous Post

Xisbullah oo uga digay Israa’iil inay Gaaska ka soo saarto Kaarish

Next Post

Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Badqabka Bukaanka Oo Lagu Qabtay Baydhabo

Next Post
Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Badqabka Bukaanka Oo Lagu Qabtay Baydhabo

Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee Badqabka Bukaanka Oo Lagu Qabtay Baydhabo

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista Cutubka 9-aad ee Dastuurka

February 21, 2026
0

Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 20-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In