Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa kulan xafiiskiisa kula la qaatay Maareeyaha Wakaaladda Hurmarinta Dhismaha Soomaaliyeed iyo injineerro ka tirsan wakaaladda, loogana hadlay Dib dhiska xarunta dhexe ee Wasaaradda ee ku taalla degmada Boondheere.
Shirka Wasiir Fiqi iyo Maareeye Cali Joqombe oo ay wehliyeen Injineero, ayaa lagu dul istaagay sida Wakaaladda Hurmarinta Dhismaha Soomaaliyeed ay talo farsamo uga bixin lahayd dhismaha xarunta dhexe ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa dhowaan bilaabeysa Dib u dhiska xarunteeda dhexe, taasi oo ay gacan ka geysaneyso NIS Foundation iyo Deeq bixiyaal kale.