Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka 10-aad ee kalfadhiga golaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka 10-aad ee kalfadhiga golaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta waxaa uu shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 10-aad ee Golaha Shacabka BJFS. Waxaana ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Mudane Cabdullahi Cumar Abshiroow.

Ajandaha kulanka oo ahaa Akhrinta 1-aad ee hindise Sharciyeedka Abuurka iyo noocyadda Ayniga dhir-beereedka, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, iyo akhrinta 1-aad ee hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyeen in sharciga Xuquuqda Caruurta uu u baahan yahay sixid iyo in lagu saleeyo diinta Islaamka, Waxaana uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka sheegay in sharciga Xaquuqda carruurta Soomaaliyeed dib loogu celiyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya, si loo soo saxo, laguna saleeyo diinta Islaamka.

Sidoo kale waxaa la qeybiyay Hindise Sharciyeedyada kala ah, 1- Hindise Sharciyeedka Hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), 2- Hindise Sharciyeedka Badbaadada dhir-beereedka iyo Takoorka. 3-Hindise Sharciyeedka Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaantood ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo kulan la qaatay Maareeyaha Wakaaladda dhismaha Soomaaliyeed

Next Post

Shir looga hadlayo horumarinta Dhaqaalaha iyo Amniga oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Shir looga hadlayo horumarinta Dhaqaalaha iyo Amniga oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Shir looga hadlayo horumarinta Dhaqaalaha iyo Amniga oo ka furmay Muqdisho "SAWIRRO"

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In