Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali,ayaa furay Kulan wadatashi ah oo Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee Dib-u-eegista ugu sameynayaa Qorshaha Hawlgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaran ee (SNID) oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.
Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiweli Timacadde oo sharraxay ujeeddada kulanka, ayaa sheegay in muhiimadda Shirkaan uu yahay ku tala gelinta maamul goboleedyada Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo sidii adeeggaan looga howlgelin lahaa guud ahaan dalka.
Wakiillada ka socday maamullada, ayaa soo bandhigay fikradaha wax ku ool ah oo ku saabsan Nidaamka Diiwaan galinta Aqoonsiga Qaranka.
Qorshaha Diiwaan galinta Muwaaddiniinta Soomaaliyeed, ayaa ah in 2024 lagu diwaan galiyo 5Million oo qof, sidoo kalana Dalka laga hirgaliyo 86xarumood.