Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha PuntLand oo Columbus Kula Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Magaaladaasi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha PuntLand oo Columbus Kula Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Magaaladaasi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maaamul Goboleedka soomaaliyeed ee PuntLand Ahmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Jaaliyada soomaalida ee Magaalada Columbus dalka Mareykanka.

Isu imaatankani oo isugu jiray Xog waraysi iyo soo dhaweyn ayaa wax ka hadlay xubno ka tirsan Culumaa’udiin,Siyaasiyiin,iyo Odayaal dhaqameed, waxaana si aan kala har lahayn  ay u muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay magalada Columbus ku soo dhaweeyaan Wasiirka oo lagu tilmaamay in uu wax fara badan ka qabtay Deegaanada Puntland.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Sheikh Muqtar Xassan oo ka mid ah Culimada magaalada Columbus oo ka hadlay Xaflada ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in soo dhaweyn iyo wada shaqaynba loo muujiyo qof kasta oo Mas,uul ah hadii uu ahaa lahaa mid Goboleed iyo Mid Dowlada  dhexe ka socda intaba, laakiin waxaa uu carabka ku adkeeyay in jiritaanka Soomaalinimadu ay tahay arin muqadas ah islamarkaana ay wax walba ugu horeyso in arintaas uu qof kasta maskaxda ku hayo.

Ibrahim Xajji Maxamud (Ibrahim Baroon) oo isaguna ka hadlay Goobta ayaa sheegay in ay gacmo furan iyo qalbi wanaag ay ku soo dhaweynayaan Wasiirka asagoo intaas raaciyay in ay ka dhageysan doonaan wixii war bixin ah ee uu wasiirku uga wado guud ahaan Dalka Soomaaliya gaar ahaana deegaanada Puntland ayna fari doonaan talo iyo Tusaalooyinka uga aadan sidii lagu sii hor marin lahaa Dalka.

Inkastoo ay dad fara badan ka hadleen Xaflada hadana waxaa ay inta badan ka sinaayeen in loo baahan yahay sidii ay Ummada Soomaaliyeed uga wada shaqeyn lahayd midnimada iyo wada jirka taas oo ah mida kaliya ee lagu heli karo Dowlad buuxda oo hanata guud ahaan dalka.

Gaba gabadii xaflada ayaa waxaa ka hadlay Wasiir Ahmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo war bixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay ka soo qeyb galayaasha kulanka waxaana uu Wasiirku sheegay in horu maro fara badan laga sameeyay deeganada Puntland laakiin ay arintu tahay Faanoole fari kama qodna oo uu ku micneeyay in wali ay taaganyihiin arimo u baahan in xal loo helo.

Waxaa uu ugu baaqay Jaaliyadaha dibada ee ka soo jeeda Puntland in looga fadhiyo laakin ta ay ku leeyihiin horumarinta Dalka asagoo tusaale ugu soo qaatay in ay jirto baahi loo qabo in la helo gaadiidka Gurmadka deg dega ee Caafimaadka iyo Bad Damisyada.

Ugu dambayntii waxaa uu uga mahad celiyay Jaaliyada magaalada Columbus sida wanaagsan ee ay usoo   dhaweeyeen isagoo sheegay in uu u gudbin doono Maamulka uu Wasiirka ka yahay ee Puntland wixii talo iyo Tusaalooyin ah ee  ay Jaaliyadu usoo gudbiyeen, Xaflada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Heeso lagu amaanayay waxqabadka Dowlad Goboleedka  Puntland.

IMG_9331 IMG_9346 IMG_9363 IMG_9367 IMG_9392 IMG_9405 IMG_9412 IMG_9415 IMG_9428 IMG_9434 IMG_9437 IMG_9439 IMG_9441 IMG_9451 IMG_9458 IMG_9467 IMG_9486 IMG_9495 IMG_9538 IMG_9543 IMG_9554 IMG_9558 IMG_9569

Previous Post

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Kismaayo  “Sawirro”

Next Post
Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Kismaayo  “Sawirro”

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Kismaayo  “Sawirro”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In