Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo guddoomiyay shirka xasilinta dalka ”sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo guddoomiyay shirka xasilinta dalka ”sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo ah mid bishii mar la qabto waxaa diirada lagu  saaray  wixii ka qabsoomay Barnaamijka Xasilinta dalka iyo qorshaha sanadkaan 2018.

Waxa shir Guddoomiyay markii ugu horeysay wasiirka cuusb ee arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye waxaana goob joog ahaa wasiiro dowlaha xafiiska ra’isalwasaaraha Cabdulaahi Xaamud, madax ka soctay wasaaradaha arimaha gudaha ee dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka.

Related posts

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026

Shirka intii u socday waxa la isku waydaarsaday sida ugu wanaagsan ee loo xoojin karo mashaariicda xasilinta goobaha laga xureeyo nabad diidka

Masuuliyiinta dowlad goboleedyada ee ka hadlay shirka waxa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeele Maxamed Cali Caadle oo sheegay inay wadaan dib u heshiisiinta beelaha khilaafaadka uu ka dhaxeeyo ee deegaanada dowlad goboleedkaasi

‘’  waxaa inoo suuragalay inaan u qabano dib u heshiisiin beela ku dagalamy tuulooyin ka kala tirsan degmooyinka balcad iyo jowhar horaantii bishaan Janaayo waxaana ugu qabanay magaalada Jowhar waxaana dagaaladaasi laga gaaray heshiisyo’’ waxaa sidaas Yiri Wasiir Caadle

ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Petter Dikalaa ayaa tilmaamy inay muhiim tahay taageeerada caalamka ee lagu xoojinyo mashaariicda xasilinta.

Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa shirka markii uu soo idlaaday waxa uu la hadlay warbaahinta Qaranka waxa uu sheegay in dowladda  federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta mashaariicda xasilinta iyo sooc elinta adeegyada uhiimka u ah bulshada.

‘’ waxaan ku faraxsanahay inaan maanta gudoomiyay shirkii xasilinta oo lagu qabtay xalane  oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan wasaaradaha arrimaha gudaha ee Dowlad gobeedlyada iyo hey’adaha wasaaradda kala shaqeeya nabadda iyo xasilinta degmooyinka, waxaa dhiira galin laheed sidii ay ugu hadleen madaxdii dowladda federaalka  iyo kuwii dowlad goboleedyada Arimaha xasilinta halka ay marayaan iyo mustaqbalka meesha ay u socdaan’’  sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya

Dhinaca kale wasiirka arimaha gudaha waxa uu la kulmay madax ka socotay Barnaamijka xasilinta hey’adda hormarinta caalamiga ah ee Mareekanka ee loo soo gaabiyo USAID  iyaga oo kala hadlay teegarada ay ku bixiyeen mashaariicda xasilinta iyo daadajinta awooda dowladda

Previous Post

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha oo ka digay in la boobo hantida wasaaraddu leedahay.

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo booqday xarunta Dawladda Hoose ee Xamar “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo booqday xarunta Dawladda Hoose ee Xamar “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo booqday xarunta Dawladda Hoose ee Xamar "SAWIRRO"

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In