Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mud.Axmed Macalin Fiqi ayaa maalintii labaad ka dhagaystay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Waaxyaha iyo La Taliyeyaasha sare ee Wasaaradda Warbixino ku saabsan howlaha shaqada ee Wasaaradda iyo qorshayaasha u hortebinta u leh shaqada Wasaaradda.
Wasiirka Waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiiru Dowlaha Mudane Ilyaas Ali Hasan, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Amb.Abdixakiim Hasan Ashkir iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada waxaana kulankaan warbixino looga dhagaysatay qaybaha Xasalinta, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee wasaaradda.