Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan Wadatashi La Yeeshay Odoyaasha Dhaqanka Ee Galmudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan Wadatashi La Yeeshay Odoyaasha Dhaqanka Ee Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah waxaa uu la yeeshay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug isaga oo kala hadlay kaalintooda la xiriirta dib-u-heshiisiinta, xasilinta deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha.

Wasiirka waxaa uu iftiimiyey sida ay kooxda argigixisada u qorsheynayaan iskudirka beelaha, isaga soo qaatay in inta dagaalka lagula jiro si ay u marin habaabiyaan dib u xorreynta socota ay u dhigi doonaan dagaalka beel ku duushay deegaanka beel kale.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

Wasiirka waxaa uu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay ku tilmaameen dadkii ay tuulooyinka ka gubeen kuwoo mooryaan ah, oo qaadhicu dariiqa ah, isaga oo intaa raaciyey in xagjirnimada kooxdaasi darteed aaney odeyaasha ka qeyb geli karin horumarinta deegaannadooda sida ceel qodis, guryo dhisid, beero iyo wixii la mid ah.

Wasiir Fiqi waxaa uu ku bogaadiyey beelaha kala duwan sida ay uga gadooodeen dulmiga Al-Shabaab, isaga oo adkeeyey in gulufka hadda socda ee ka dhanka ah argigixisada uu gaaro meesha ugu dambeysa.

Wasiir Axmed Fiqi waxaa uu sheegay inuu jiro shirweyne ay isugu iman doonaan reer Hirshabelle iyo reer Galmudug, kaas oo lagu qaban doonno Baladweyne ama Dhuusamareeb midkood, waxaa uuna odeyaasha ka dalbaday in ay kaalintooda ka qaataan arrimaha socda.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa waxa uu ugu dambeyntii sheegay in kulamada watashiga ah ee uu la leeyahay odeyaasha uu ballaarin doono, oo ay ku xigi doonaan Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Dhankooda odeyaasha Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin halganka ka dhanka argigixisada Al-Shabaab, iyaga oo Wasiirka hordhigay qorshahooda la xiriira arrinkan, waxaa kale oo ay wacad ku mareen in ay u huri doonaan naf iyo maal dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Previous Post

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Masar

Next Post

Maleeshiyaad Ka Tirsan Argagixisada Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Deegaan Hoostaga Bariire

Next Post
Maleeshiyaad Ka Tirsan Argagixisada Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Deegaan Hoostaga Bariire

Maleeshiyaad Ka Tirsan Argagixisada Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Deegaan Hoostaga Bariire

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In