Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Oo La Kulmay Dhiggiisa Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Dalka Masar , Mudane Xasan Shehata.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar ayaa looga hadlay horumarinta iskaashiga labada dhinac , tabbabarka Shaqaalaha , is dhaafsiga khibrada iyo sida loo dardargelin lahaa is-afgarad ay labada wasaaradood gaaraan.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Wasiirka Shaqada ee Masar, Mudane Xasan Shehata ayaa ugu horrayntii uga mahadceliyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo wafdiga uu hoggaaminayo ka qeybgalka shirka 48aad ee Shaqada oo shalay ka furmay Qaahira, isagoo markaa xaqiijiyay inay ka go’antahay in la xoojiyo xiriirka si loo gaaro iskaashiga horumarin oo ku aaddan Shaqada.

Wasiir Biixi Iimaan Cige , ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’tahay horumarinta Shaqaalaha , siyaasadaha Shaqada iyo xal u helida dhibaatooyinka Shaqada ee Dhallinyarada , isagoo markaa sheegay iskaashiga Masar inuu door weyn ka qaadanayo dadaalladaa , wuxuu markaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay Dalka Masar.

“Dadaallada waxay diiradda saarayaan xal u helida shaqo yari ee ay wajahayaan muwaadiniinteena iyo horumarinta Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda .” ayuu ku daray Wasiir Biixi.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo dooceedyo la qaadanaya wasiirrada Shaqada 21 waddan ee ururka Jaamacadda Carabta oo ku sugan Qaahira , iyagoo ka qeybgalaya shirka 48-aad ee shaqada Carabta oo ay soo qaban qaabisay Ururka Shaqaalaha Carabta (ALO).

Previous Post

Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Oo Gaaray Cadaado

Next Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan Wadatashi La Yeeshay Odoyaasha Dhaqanka Ee Galmudug

Next Post
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan Wadatashi La Yeeshay Odoyaasha Dhaqanka Ee Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Kulan Wadatashi La Yeeshay Odoyaasha Dhaqanka Ee Galmudug

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In