Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si rasmi ah u furay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudahaย  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka ay si wada jir ah u taaba gelinayaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay in tartanka uu soo socday muddo 12- sano ah, sanadkana ay noqon doontoย  kii 13aad,ย  kaasi oo loo qabto degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka oo ay sanadkan ku jiraan degmooyin hor leh oo laga xoreeyay khawaarijta, taasi oo noqoneyso muddo kadib in degmooyinka khawaarijta laga xoreeyay ay fursad u heleen in ay ka mid noqdan tartamayaasha sanadkan.

“Sanadkan waxaa tartanka ku tartami doona 15 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka ka mid ah, maadaama Gobolka Banaadir uu ka koobanyahay 17 Degmo, sanadkan labo degmo kala ah Shangaani iyo Shibis ayaa ka dhacday waqtigii isdiiwaangelinta, sidaas ayaana keentay in 15 degmo laga qaato Gobolka Banaadir”. Ayuu yiri Agaasime Jeyte.

Guddoomiyaha Bangiga IBS mudane Cabdirisaaq Cali Warsame oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay qeyb ka noqdaan sanadkii 3aad oo xiriira taabagelinta tartanka, isagoo guul u rajeeyey ka qeyb galayaasha tartanka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo caawa lagu casuumay furitaanka tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan,ย  isagoo Hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sanadkii 13aad la qabanayo.

“Sanad waliba waxaa sii kordhaya degmooyinka tartanka ka qeybgalaya, waxaana degmooyinka 30 ka ah u rajeynayaa guul, runtii tartanka waxaa nasiib u yeeshay inay sanadkan ka qeybgalaan degmooyinkaย  dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, waxaana rajeynayaa in kuwa fara ku tiriska ah ee ay ku dhuumaaleysanayaan khawaarijta laga sifeyn doono”. Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ย ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta sida ay markasta uga goโ€™antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uuย  intaa ku daray in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo, ayna tusaale u tahay bahda wax qorta oo buugaag ka diyaariyay, kuwaasi oo kala ah Axmed Cali Diiriye iyo Maxamed Makhtar oo kala jooga degmooyinka Guriceel iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa si rasmi ah u daah furay tartanka โ€œUgu dambeyn Barnaamijka sanadkan waxaan u rajeynayaa, sida uu Agaasime Jeyte sheegay degmadii ku guuleysata waxa ay heleysaa abaal marin, anaguna waan ka qeyb qaadaneynaa dhankeena oo Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaliya kuma fiirsan doono”.

Previous Post

Jubbaland oo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka dib u xoreynta ee ka dhanka ah Khawaarijta

Next Post

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Dhahar oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo u gudbay wareega 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo...

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In