Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi oo maalmahaan howlo shaqo ujoogay Galmudug ayaa isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay waxaa ay gaareen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Wasiirka Arrimaha gudaha oo ay wehliyaan mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka federaalka iyo kuwa ka tirsan Galmudug socdaalkiisu la xiriiraa dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo dhiirigelinta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.