Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Batroolka oo dalka dib ugu soo laabtay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Batroolka oo Koonfur Africa uga qeyb galaya shir looga hadlayo Shidaalka Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay shirar caalami ah oo looga hadlayay Batroolka iyo Tamarta oo uu uga soo qeyb galay dalalka Turkiga iyo Koonfur Afrika.

Wasiirka Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim markii uu soo gaaray Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyeen Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabdullaahi Shaacir iyo Mas’uuliyiin kale ka tirsan Wasaaradda batroolka.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Wasiirka ayaa xusay in socdaalkii uu ku tegay dalalka Turkiga iyo Koonfur Afrika ay la xiriireen shirar heer caalami oo ku saabsanaa Arimaha Batroolka iyo Tamarta, isagoo xusay in shirka Koonfur Afrika uu qayb ka ahaa Usbuucii Shidaalka Africa, isla markaana uu warbixin ku aadan xaaladda dalka iyo sida looga faa’iideysan karo kheyraadka ka horjeediyay madaxdii ka qeyb gashay shirkii lagu soo gabo gabeeyay dalka Koonfur Afrika.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo sidoo kale ka warbixiyay shirka Tamarta oo uu kaga qayb galay dalka Turkiga ayaa markale ku celiyay baahida loo qabo ka faa’iideeysiga Kheyraadka Ku jira gudaha Dalkeena Soomaaliya.

Previous Post

Taliye ku-xigeenka booliska oo tababar u soo xiray saraakiil gabdho ah

Next Post

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo shaqaalaha kula dar daarmay inay shaqada labo jibaaraan “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha gobolka banaadir oo shaqaalaha kula dar daarmay inay shaqada labo jibaaraan “SAWIRRO”

Guddoomiyaha gobolka banaadir oo shaqaalaha kula dar daarmay inay shaqada labo jibaaraan "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In