Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha Soomaaliya iyo dhigiisa Dalka Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta beeraha Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha Soomaaliya iyo dhigiisa Dalka Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta beeraha Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo shir looga hadlayo horumarinta beeraha Afrika uga qeybgalaya dalka Shiinaha ayaa halkaasi kula kulmay dhigiisa Shiinaha.

Wasiir Saciid Xuseen Ciid oo la kulmay dhigiisa Shiinaha Han Changfu

Wasiir Xuseen Ciid ayaa sheegay in dhigiisa Shiinaha Han Changfu ay ka wada hadleen sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhanka beeraha, isla markaana dowladda Shiinaha ay gacan uga geysan lahayd horumarinta beeraha dalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa bartiisa ku soo qoray “Waxaa kula kulmay magaalada Sanya oo uu kasocdo Shirka Wasiiraha Beeraha Afrika iyo China, Wasiirka Beeraha China Han Changfu waxa ka wadahadalnay iskashiga beeraha labada dal iyo sidii China gacan uga gaysan lahayd horumarinta Beeraha Soomaaliya, weliba dhinacyada tababarka, cilmi baarista iyo kaabayaasha beeraha”

Kulanka kaddib Wasiir Ciid waxa uu booqday xarunta cilmibaarista beeraha dhulka kulul ee magaalada Sanya ee dalka Shiinaha.

Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Dalka ayaa xusay in shirka uu la qaatay Wasiirka Beeraha dalka Shiinaha uu ku soo idlaaday guul iyo is afgarad.

Previous Post

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Next Post

Kulanka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post
Kulanka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Kulanka Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Dastuurka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed oo ka furmay Baydhabo “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In