Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayax ku habsaday Koonfurta Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayax ku habsaday Koonfurta Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayaxa lama-degaanka ee ku dagay Koonfurta Soomaaliya oo dhibaato weyn u geystay beeraleyda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo kulan deg dega maanta la yeeshay Madax ka socotay Wasaaradaha beeraha ee maamul goboleedyada iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya wax soo saarka iyo deeqbixiyayaasha ayaa ku dhawaaqday xaalad deg dega oo ku saabsan Ayax ku degay Koonfurta Soomaaliya sida Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kaas oo qasaaro badan u geystay beeraleyda, islamarkaana horseeday xaalad cuno yari ah, maadaama uu baabi’yay dalagyo badan, taas oo saameyn weyn ku yeelatay qoysas badan oo ku tiirsan tacabka beeraha iyo wax soo saarka.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Xaaladaha roobkii deyrta oo ka hoos maray heerkii caadiga ahaa, daadadkii saameeyay dhul beereedyada iyo xaddiga khasaaraha ay geesteen ayaa dhinaca kale lagu sheegay cilado kale oo badan oo qeyb weyn ka qaatay hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka, taas oo hadaan meel looga soo wada jeesan sababi karta cuno yari intaan ka badan oo sababi karta halis badan.

Hadaba Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa markii ay daristay natiijada kasoo baxday qiimeynta sugnaanta cuntada Soomaaliya ee deyrtii la soo dhaafay ee 2020, waxayna ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayaxa ku dagay Koonfurta Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo gabgabadii warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa xusay in iyaga oo kaashanaya maamul goboleedyada ay qaadi doonaan  talaabooyin deg deg ah oo lagula dagaalamayo Ayaxa oo saameyn aan la koobi karin ku yeeshay wax soo saarka dalka.

Previous Post

Ardayda dugsiga sare ee Cabdullaahi Ciise oo ka qeyb qaadanaya olalaha dhireynta “SAWIRRO”

Next Post

Militiriga Myanmar oo xayiray isticmaalka baraha bulshada

Next Post
Militiriga Myanmar oo xayiray isticmaalka baraha bulshada

Militiriga Myanmar oo xayiray isticmaalka baraha bulshada

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In