Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo WFP kala hadlay horumarinta Dalagyada Dalka

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo WFP kala hadlay horumarinta Dalagyada Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Siciid Xuseen Ciid ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda Cuntada Adduunka WFP , Laurenta Bukera, iyagoo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa Dalagyada kasoo go’a Dalkeenna.

Kulnkan ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dhiirri gelin lahaa Beeralayda Soomaaliyeed iyadoo laga iibinayo Dalagyada ay tacbadaan,meel marinta Barnaamijka howl galka 2019 iyo 2021-ka ee Beeraha Soomaaliya, soo nooleynta Kaabayaasha Beeraha iyo sidii ay wasaaradda Gacan ugu siin lahayd Hay’adda WFP.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid , ayaa aad usoo dhaweeyay qorshaha hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ay ku doonayso inay ku caawiso Beeralayda Soomaaliyeed iyo dhiirri-gelintooda.

Wakiilka hay’adda Cunnada Adduunka ee Soomaaliya, Laurenta Bukera ayaa bogaadiyaytallaabooyinka dhaxal galka ah ee ay qaadeen Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaa raaciyay inay ka go’an tahay dar-dar gelinta barnaamijyada lagu dhiirri-gelinayo Beeralayda iyo ka Gacan siinta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya.

Barnaamijyadan taakulaynta iyo dhiirri-gelinta Beeralayda Soomaaliya ee ay si wada jir ah u wadaan Wasaaradda Beeraha iyo hay’adda WFP ayaa waxay door lixaad leh ka qaadan doonaan in ay Suuq yeeshaan Dalagyada la Beero ku dhiirrashada tacbashada Miraha kasoo go’a Dalkeenna.

Previous Post

Abiy Ahmed oo lafilayo in uu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya

Next Post

Golaha ammaanka ee QM oo isku raacay muddo kordhinta xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Next Post
Golaha ammaanka ee QM oo isku raacay muddo kordhinta xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Golaha ammaanka ee QM oo isku raacay muddo kordhinta xafiiska UNSOM ee Soomaaliya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In