Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo sheegay in la dhisayo Hay’ad nidaamisa isgaarsiinta dalka

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo sheegay in la dhisayo Hay’ad nidaamisa isgaarsiinta dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Jannaayo 24, 2018 – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in mudnaanta 1aad ee Wasaaradda xilligan ay tahay sidii loo dhisi lahaa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inay nidaamiso isgaarsiinta dalka.

Wasiirka oo ka hadlayay aqoon-is-weydaarsi socday muddo 3 maalmood ah oo loo qabtay shirkadaha isgaarsiinta, shirkado la-talin iyo Kooxda Hawl-fulinta oo loogu talo galay inay taageero farsamo ka geystaan sidii loo dhisi lahaa hay’addii ugu horreysay ee nidaamisa isgaarsiinta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu saxiixay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka bishii Oktoobar 2017, ay Wasaaraddu ka dalbatay Bankiga Adduunka taageero farsamo oo lagu dhisayo Hay’adda, iyadoo Bankigu uu gacan ka geystay in la hawl-geliyo khubaro Wasaaradda kala talin doona sida ugu habboon ee lagu dhisi karo Hay’ad nidaamisa, isla markaana horumarisa isgaarsiinta dalka.

“Waxaad haysataan fursad naadir ah oo aad ku aasaaseysaan hay’ad cusub oo aysan xannibeynin caqabadaha maamul ee haysta hay’adaheena dawladeed ee hore u jiray. Waxaad mas’uul ka tihiin guusha ama guul-darrada hay’addan cusub, waxaana idinku adkeynayaa inaad sameysaan wax kasta oo awooddiina ah – qof qof iyo koox ahaanba – oo aad dalka ugu aasaaseysaan hay’ad sharaf iyo awood leh,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa ku adkeeyay in cid kasta oo ku lug leh dhismaha hay’addan laga doonayo in ay ka soo dhalaasho kaalinteeda kaga aaddan dhismaha hay’addan cusub. “Waxaan dooneynaa inaan dhisno hay’ad tusaale u noqota oo ay ku daydaan hay’adaha kale ee dawladeed” ayuu intaasi ku daray.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa u mahad celiyay Bankiga Adduunka oo taageero farsamo u fidinaya dhismaha Hay’addan Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana marti-geliyay aqoon-isweydaarsigan.

DHAMMAAD

Previous Post

Dhibane Saneey Gaarane oo Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday inay u gurmadaan+Sawirro

Next Post

Guddiga la socodka iyo dib u eegista BFS iyo Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshadda

Next Post
Guddiga la socodka iyo dib u eegista BFS iyo Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshadda

Guddiga la socodka iyo dib u eegista BFS iyo Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshadda

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In