|
(Muqdisho, 30 Abril, 2017) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan, ayaa sheegay inay muhiim tahay in farsamada casriga ah loo adeegsado arrimaha la xiriira maamulka maaliyadda iyo qandaraasyada ee dowladda, taasoo qeyb ka noqon doonta dadaalka ay Xukuumaddu ugu jirto la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhiirri-gelinta maamul-wanaagga. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xiritaanka tababar 4 maalmood socday oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda, oo ku saabsanaa arrimaha maaliyadda iyo maareynta qandaraasyada, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda, qaybta Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT). Wuxuu wasiirku kula dardaarmay ka-qeybgalayaashii tababarka inay fuliyaan waxyaabihii ay ka barteen tababarkan, si hantida qaranka aan loo dayicin, iyadoo loo adeegsanayo sida ugu habboon ee ay ku jirto danta ummadda. Wuxuu wasiirku xusay in nidaamka qandaraasyada oo kharribma uu horseedi karo inaan laga faaโiideysan mashaariicda horumarineed,isla markaana uu kor u kacaya qiimaha mashaariicda horumarineed, taasoo ugu dambeynta dhaawaceysa horumarka dhaqaale ee dalka. Wasiirka oo hoos ka xarriiqayay baahida loo qabo in la kobciyo awoodda shaqaalaha ee dhinaca teknolojiyada, ayaa sheegay in Wasaaraddani kaalin hormuud ah ka qaadan doono sidii shaqaalaha dawladda ee ka shaqeeya dhinacyada maaliyadda ay u noqon lahaayeen kuwo aqoon u leh oo ku shaqeyn kara farsamada carsiga, si ay ula jaan-qaadi karaan habka maamulka casriga ah. โDhibaatadu waxay mar kastaba ka timaaddaa dhanka fulinta. Waa inaad hubisaan in wixii aad barateen loo fuliyo sida ay tahayโ ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay ka-qeybgalayaasha. Ugu dambeyntii wuxuu wasiirku qeybiyay shahaadooyinkii loogu talo galay ka-soo-qeybgalayaasha isagoo balanqaadey in wasaaraddu xoogga saarto tababarada noocan oo kale ah. |
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐ ๐ฎ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฐ๐๐ซ๐๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฐ๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...













