|
(Muqdisho, 30 Abril, 2017) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan, ayaa sheegay inay muhiim tahay in farsamada casriga ah loo adeegsado arrimaha la xiriira maamulka maaliyadda iyo qandaraasyada ee dowladda, taasoo qeyb ka noqon doonta dadaalka ay Xukuumaddu ugu jirto la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo dhiirri-gelinta maamul-wanaagga. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xiritaanka tababar 4 maalmood socday oo loo qabtay shaqaalaha Wasaaradda, oo ku saabsanaa arrimaha maaliyadda iyo maareynta qandaraasyada, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda, qaybta Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT). Wuxuu wasiirku kula dardaarmay ka-qeybgalayaashii tababarka inay fuliyaan waxyaabihii ay ka barteen tababarkan, si hantida qaranka aan loo dayicin, iyadoo loo adeegsanayo sida ugu habboon ee ay ku jirto danta ummadda. Wuxuu wasiirku xusay in nidaamka qandaraasyada oo kharribma uu horseedi karo inaan laga faaโiideysan mashaariicda horumarineed,isla markaana uu kor u kacaya qiimaha mashaariicda horumarineed, taasoo ugu dambeynta dhaawaceysa horumarka dhaqaale ee dalka. Wasiirka oo hoos ka xarriiqayay baahida loo qabo in la kobciyo awoodda shaqaalaha ee dhinaca teknolojiyada, ayaa sheegay in Wasaaraddani kaalin hormuud ah ka qaadan doono sidii shaqaalaha dawladda ee ka shaqeeya dhinacyada maaliyadda ay u noqon lahaayeen kuwo aqoon u leh oo ku shaqeyn kara farsamada carsiga, si ay ula jaan-qaadi karaan habka maamulka casriga ah. โDhibaatadu waxay mar kastaba ka timaaddaa dhanka fulinta. Waa inaad hubisaan in wixii aad barateen loo fuliyo sida ay tahayโ ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay ka-qeybgalayaasha. Ugu dambeyntii wuxuu wasiirku qeybiyay shahaadooyinkii loogu talo galay ka-soo-qeybgalayaasha isagoo balanqaadey in wasaaraddu xoogga saarto tababarada noocan oo kale ah. |
๐/๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...













