Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada oo daahfurey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jamacaddaha dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Boostada oo daahfurey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jamacaddaha dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa daah furay Adeegga taakuleynta Internet-ka iyo isku xirka Jaamacaddaha dalka iyo kuwa caalamka, munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Barnaamijkan oo loogu talogalay in kor loogu qaado tayada waxbarashada sare ee dalka ayaa waxa uu bixin doonaa internet bilaash ah oo ay ka faa’iideysan doonaan xarumaha jaamacaddaha dalka iyaga oo ku xirmaya kuwa dibadda ah si ay ugu fududaato is dhaafsiga cilmi baarista.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Sidoo kale munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Dr.C/raxmaan Daahir Cismaan iyo mas’uuliyiin ka socday jaamacadaha dalka iyo maamulka shabakada waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliyeed (Somali Research & Education Network) ee loo yaqaan SomaliREN

Eng. Cabdi Cashuur Xasan Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ay daddaal ugu jirto sidii looga faa’iideysan lahaa tiknolojiyadda casriga ah oo muhiim u ah nolosha adduunka maanta.

“Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda waxaa ka go’an in ay garab istaagto bahda Waxbarashada, adeegga Internet-kaan waxa uu ahaa Labo qeybood mid waxa aan ugu talo galnay bahda tacliinta sare oo ah midkan aan maanta daahfureyno, waxaana ka horeeyey mid loogu talogelay xarumaha hay’addaha dowladda, ” ayuu yiri Eng. Cabdi Cashuur Xasan.

Eng.Cabdi Cashuur Xasan ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumadda uu yahay in Wasaarad walbo kaalinta kaga aadan hormarka dalka ay u qaadato si dhab ah, taas oo ka miro dhalinteedu ay u muuqato in ay dhowdahay marka la fiirayo halka uu dalku ka yimid, xawaaraha soo kabashada iyo qorshaha xukuumadda.

Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar iyo Dr. Aadan Sheekhdoon Cali oo ka tirsan masuuliyiinta Shabakadda SomaliREN ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada daddaalka iyo garab istaaga bahda waxbarashada, iyaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in addeegan uu wax weyn ka badali karo tayadda waxbarashada sare ee dalka.

Adeeggan Wejigiisa koowaad waxaa ka faa’iideysan doono Lix ka mid ah Jaamacaddaha dalka iyada oo uu qorshahu yahay in la gaarsiiyo dhamaan xarumaha jaamacaddaha dalka oo dhan.

Xaruntan taakuleynta iyo isku Xirka internet-ka Jaamacaddaha ayaa waxa lagu hergeliyey Iskaashiga mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee uu kaalmeeyo Baanka Aduunka iyo Shabakadda SomaliREN

 

–DHAMMAAD–

Previous Post

Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Awdal+sawirro

Next Post

DAAWO: Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay kulankii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium

Next Post
DAAWO: Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay kulankii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium

DAAWO: Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay kulankii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In