Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Awdal+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Senator Ayuub Ismaaciil oo Mareykanka kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Awdal+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, kuna nool Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maanta xaflad soo dhoweyn ah waxa ay u sameeyeen Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo booqasho shaqo ku jooga dalka Mareykanka.

Xafladda oo lagu qabtay “Days Hotel” kana qeybgaleen dad indheergarad ah oo ka kala tirsan qeybaha kala gedisan ee bulshada, ayaa Senator Ayuub waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka la soo gudboonaaday gobolka Awdal iyo taariikhda Magaalooyinka Zeylac, Borama iyo kuwa kale oo ku teedsan xeebta Badda Cas, isagoo xusuusiyay in daadadkii ku rogmaday dhowaantan deegaanno ka tirsan dhulkaasi ay horseedeen burbur lixaad leh oo sii murjiyay xaaladdii horumar la’aaneed ee hore u jirtay.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Senator Ayuub ayaa ku booriyay qurbajoogta Awdal inay u istaagaan horumarinta, maalgeshiga iyo dib u dhisidda gobolka, isagoo farta ku goday laga maarmaanshaha in ilaha ganacsiga gobolkaasi dib loo soo nooleeyo, taasi oo ay ugu horreyso dekadda iyo garoonka, iyadoo gobolkaasi uu ahaa marin ganacsi oo wadamada Soomaaliya, Itoobiya, Yemen iyo Hindiya ay wax isku weydaaran jireen.

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa sidoo kale ka sheekeeyay qorshayaasha dowladda ee taabagelinta Nabad iyo Nolol, taasi oo uu xusay inay xoojinayso hindisaha wadahadal ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kula jirto Somaliland oo dib u bilaaban doono waqti dhow.

Previous Post

Macalinka Banaadir SC Hussein Mbalangu oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Wasiirka Boostada oo daahfurey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jamacaddaha dalka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Boostada oo daahfurey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jamacaddaha dalka “SAWIRRO”

Wasiirka Boostada oo daahfurey Xarunta Internetka iyo isku xirka Jamacaddaha dalka "SAWIRRO"

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In