Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MUUQAAL-Wasiirka Caafimaadka “Dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin caafimaad dibadda ah ayaan u qaadeynaa”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Xaawo Maxamed Xasan oo maanta booqatay dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qarixii argagixisanimo ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegtay in dhaawacyada gudaha dalka aan wax looga qaban karin loo qaadi doono caafimaad dibadda ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo xubnaha la socday ayaa ujeedka booqashadooda la xiriirtay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda caafimaad dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii Central Hotel ee degmada Xamarweyne, waxaana ay tegeen Isbitaallada Daaru-shifa, Recep Tayyip Erdoğan iyo Madiina oo ay ku jiraan dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkii shalay, iyadoo warbixinno ka dhageysatay mas’uuliyiinta isbitaalada ay booqatay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay mid mid u gacan qaadeen bukaanada, iyagoo xog wareysi la yeeshay, si kuwa aan dalka wax looga qaban karin caafimaad dibada ah loogu qaado.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Xaamo Maxamed Xasan oo la hadashay booqashada kaddib Warbaahinta Qaranka ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeysay dadkii shalay ku dhintay qaraxii ka dhacay Muqdisho, iyadoo kuwa dhaawac ahna Alle uga bariday in uu bogsiiyo.

“Maanta waxaan soo booqanay dhaawacyadii shalay oo la geeyay ilaa iyo saddex isbitaal, waxaan aragnay kuwa dhaawacyo fudud iyo kuwa kale oo daran oo u baahan in caafimaad dibadda ah in loo qaado, marka waxaan qorsheynaynaa in aan dibadda u qaadno ilaa iyo 10 qof oo xaaladooda aan halkan wax looga qaban karin, booqashadeenuna waan joogteyneynaa si aan u ogaano haddii ay jiraan kuwa kale oo u baahan caafimaad dibada ah”. ayay tiri Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Previous Post

Ra’iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In