Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka caafimaadka oo booqatay dhaawacyo Imaaraadka loo qaadi doono-Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka caafimaadka oo booqatay dhaawacyo Imaaraadka loo qaadi doono-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booqashada wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ay maanta ku tagtay isbitaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Muqdisho, oo lagu daweynayo qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, isbitaalkaas oo ay gacanta ku hayaan dowladda Imaaraadka, waxaana ku wehliyay booqashada danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya, Maxamed Al-Cuthmaani, masโ€™uuliyiinta ayaa kormeerey qeybaha isbitaalka waxayna xog-wareysteen bukaanada iyo howlwadeenada caafimaad ee isbitaalka.

Wasiirka caafimaadka Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in markii qiimeyn lagu sameeyay dhaawacyada sida ay u kala daran yihiin xaaladooda loo soo wareejiyay isbitaalka Sheekh Zaaid isla markaana maalmaha soo aadan qeybta ugu horeysay loo qaadi doono dalka Imaaraadka si loo siiyo daweyn dheeraad ah.

Related posts

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

January 19, 2026
Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026

“Ayagoo kaashanaya dhakhaatiirta caafimaadka wasaaradda xaaladooda markii ay qiimeeyeen u soo wareejiyaan isbitaalka, waxaana la rajaynaa in labada beri ee soo socota dadkaas la qaadi doono,” ayay tiri wasiirka.

Dr. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka dalka ayaa sidoo kale sheegtay danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya kala hadashay sidii looga caawin lahaa in dadka xaaladooda caafimaad gudaha dalka wax looga qaban waayo loo qaadi dibada gaar ahaan carruurta qaba xanuunada wadnaha.

“Ilmaha cudurada wadnaha qaba ee inta lagu daweyn karin in ay kala fiiriyaan oo ay noo saamaxaan in dibadda loo qaado, sidaa kalena waxa ay nagala shaqeyn doonaan mashaariic lagu horumarinaayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka,” ayay sheegtay Fowziya.

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa balan qaaday in 100 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska-14-Oct- Ex-Zoobe u qaadi doonaan dalka dibadiisa si daweyn iyo baxnaanin loo soo siiyo bukaanada.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Uganda-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka "SAWIRRO"

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

January 19, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban...

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‡๐š๐ฃ๐ข...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In