Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka caafimaadka oo booqatay dhaawacyo Imaaraadka loo qaadi doono-Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka caafimaadka oo booqatay dhaawacyo Imaaraadka loo qaadi doono-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booqashada wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ay maanta ku tagtay isbitaalka Sheekh Zaaid ee magaalada Muqdisho, oo lagu daweynayo qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, isbitaalkaas oo ay gacanta ku hayaan dowladda Imaaraadka, waxaana ku wehliyay booqashada danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya, Maxamed Al-Cuthmaani, mas’uuliyiinta ayaa kormeerey qeybaha isbitaalka waxayna xog-wareysteen bukaanada iyo howlwadeenada caafimaad ee isbitaalka.

Wasiirka caafimaadka Dr. Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in markii qiimeyn lagu sameeyay dhaawacyada sida ay u kala daran yihiin xaaladooda loo soo wareejiyay isbitaalka Sheekh Zaaid isla markaana maalmaha soo aadan qeybta ugu horeysay loo qaadi doono dalka Imaaraadka si loo siiyo daweyn dheeraad ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026

“Ayagoo kaashanaya dhakhaatiirta caafimaadka wasaaradda xaaladooda markii ay qiimeeyeen u soo wareejiyaan isbitaalka, waxaana la rajaynaa in labada beri ee soo socota dadkaas la qaadi doono,” ayay tiri wasiirka.

Dr. Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka dalka ayaa sidoo kale sheegtay danjiraha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya kala hadashay sidii looga caawin lahaa in dadka xaaladooda caafimaad gudaha dalka wax looga qaban waayo loo qaadi dibada gaar ahaan carruurta qaba xanuunada wadnaha.

“Ilmaha cudurada wadnaha qaba ee inta lagu daweyn karin in ay kala fiiriyaan oo ay noo saamaxaan in dibadda loo qaado, sidaa kalena waxa ay nagala shaqeyn doonaan mashaariic lagu horumarinaayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka,” ayay sheegtay Fowziya.

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa balan qaaday in 100 kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska-14-Oct- Ex-Zoobe u qaadi doonaan dalka dibadiisa si daweyn iyo baxnaanin loo soo siiyo bukaanada.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Uganda-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS iyo dhiggiisa dalka Uganda oo ka wada hadlay ammaanka gobolka "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In