Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo Booqday Xarumaha kala duwan ee Caafimaadka Baydhabo 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo Booqday Xarumaha kala duwan ee Caafimaadka Baydhabo 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden oo howlo Shaqo u joogey Magaalada Baydhab ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed, ayaa kulan la qaatey Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed oo uu ugu horreeyo Wasiirka Caafimaadka KGS Mudane Maxamed Cismaan Xaaji iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Koonfur-galbeed.

Wasiirka ayaa warbixino ka dhageystey madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Koonfur-galbeed si loo sii amba qaado hayaanka horumarinta Caafimaadka dalka sidoo kalena xal waara looga gaaro caqabadaha ku hor gudban Caafimaadka taasoo qeyb ka ah dedaalada socda ee uu Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ku baadi goobayo Caafimaadka loo dhanyahay ee guud ahaan dalka.

Related posts

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

December 2, 2025
Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa sidoo kale booqashooyin kala duwan ku tagey Xarunta cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed, Isbitaalka guud ee magaalada, Keydka Daawada kii hore iyo mid hadda dhismihiisubmarayo heer gebagaba ah, Warshadda Oxygen-ta ee dhawaan la soo gaarsiiyey magaalada Baydhabo, Xarumaha lagu keydiyo Tallaalka KGS, sidoo kale Wasiirka ayaa booqdey Isbitaalka degmada ee ay maamusho He’adda SOS, iyo Public Health Emergency Operation Center oo dhismaheedu soo dhamaadey mar dhow.

Wasiirla waxa uu Warbixino ka kala duwan ka dhageystey Maamulka iyo shaqaalaha xarumaha kor ku xusan ee uu booqashooyinka ku bixiyey si loo helo caqabadaha xalka u baahan ee jira, waxa uuna barbixinadooda ka dib ku amaaney shaqada quruxda badan ee ay u hayaan bulsho waynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Koonfur-galbeed Soomaaliya, waxa uuna xusey in Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay markasta sidii loo sii harumarin lahaa nidaamka Caafimaadka tuulo min degmo ilaa Gobol guud ahaan dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.




Previous Post

Wasiir Fiqi oo la kulmay xoghayaha guud ee OIC

Next Post

Liibaan Neeleey (Macawiisley) “Meel kasto oo ay galaan Khawaarijta waan ka soo saaraynaa”

Next Post
Liibaan Neeleey (Macawiisley) “Meel kasto oo ay galaan Khawaarijta waan ka soo saaraynaa”

Liibaan Neeleey (Macawiisley) "Meel kasto oo ay galaan Khawaarijta waan ka soo saaraynaa"

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

December 2, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeybgalay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha...

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In