Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo Ka War Bixisay Xaaladda Caabuqa COVID-19

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo Ka War Bixisay Xaaladda Caabuqa COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Fowsiya Abiikar Nuur, oo caawa ka war bixisay xaaladda Caabuqa COVID-19 ee dalka, ayaa sheegtay in qaar kamid ah bukaannada xaaladoodu soo wanaagsanaaneyso, laguna karaantiilay xaafadahooda.

Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur waxay sidoo kale sheegtay in laba kamid ah bukaannada COVID-19 ee lagu baxnaaninayo Isbitaal De-Martini ay xaaladdoodu darantahay ayna u baahanyihiin daryeel dheeraad ah.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur  waxay ku celisay in Xanuunku si aayar ah ugu faafayo bulshada dhexdeeda, lagana helay dad dhawaanahaan aan safrin, xiriirna aan la sameyn qaar ka mid ah dadka la xaqiijiyay in cudurka laga helay sidaa darteed ay muhiim tahay in la raacao fariimaha iyo talooyinka caafimad ee ay kamidka yihiin in guryaha  la joogo, in la kala fogaado oo labo mitir la’isu jirsado, In la joogteeyo fara-xalka iyo in la joojiyo Salaanta gacan qaadka ah.

Wasiirka oo sidoo kale ku talisay in si gaar ah xil la isaga saaro xanaaneynta dadka da’da ah iyo dadka qaba xanuunnada daaha ayaa bulshada ugu baaqday in Qof kasta oo isku arko astaamaha lagu garto COVID-19 uu la xariiro lambarka gaaban ee 449 si loo siiyo talo caafimaad ama loo caawiyo.

Dowladda Soomaaliya waxay muhiimadda koowaad siineysaa xoojinta iyo taabbo gelinta tallaabooyinka lagaga hortagayo cudurka, waxayna bulshada  ku boorrineysaa in muwaadiniinta Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ka shaqeeyaan bed-qabka bulshadeena.

Previous Post

MADAXWEYNE FARMAAJO “WAXAAN XOOGGA SAAREYNAA KA HORTAGGA CUDURKAN MAADAAMA AY TAHAY WADDADA UGU HABBOON EE INOO SAHLAN”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sanad-guurada 60-aad

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sanad-guurada 60-aad

Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sanad-guurada 60-aad

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In