Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Deyniile-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Deyniile-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeerka wasiirka caafimaadka iyo xildhibaanada wehliyay ay ku tageen Isbitaalka Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ahaa mid ay ugu kuurgalayeen xaalada bukaano aad u badan oo ku jira isbitaalkaasi kuwaasi oo badankoodu ah haween iyo carruur laga kala keenay gobolada dalka Soomaaliya iyo magaalada caasimada ah.

Wasiirka caafimaadka marwo Xaawa Xasan Maxamed oo ay wehlyaan xilkdhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo xildhibaan Cabdiwali Maxamed Qanyare iyo sidoo kale  gudoomiyaha haweenka Soomaaliyeed mas’uuliyiinta hay’ada gacanta ku haysa isbitaalka ee Pac ayaa waxaa ay mid mid ku kormeereen qolalka bukaanadu ku jiraan sida qaybaha jiifka ,saalada qaliinka iyo goobo kale waxaana ay xog wareysaneysay wasiiradu qaar ka mid ah bukaanada.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Kormeerka ka dib ayay warbaahinta la hadleen mas’uuliyiintu marwo Caasho Shaacuur Ugaas oo ku hadashay gudiga maamulka Isbitaalka hayo, marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale gudoomiyaha haweenka qaranka,iyo gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa si wada jir ah u bogaadiyay kormeerka wasiirka iyo xildhibaanada.

“Wasiir isbitaalkaan isbitaal Dayniilaa la yiraahdaa waa isbitaal muda dheer shaqeynahayey waagii ummadda la leenahayay oo ummadda dhibaatadu ku dhacday wuxuu ahaa halkii isbitaal ee dadka lacag la’aanta ku qalayay ee aan waligi qof lacag looga qaadan, ee Kaalkaaliyiyaal 150 kor u dhaafeysa iyo dhaqaatiir 50 ah ay habeen iyo maalin u taagnaayeen  dadka Soomaaliyeed in la bad baadiyo”. waxaa sidaa yiri Caasho.

“Waxaana rajeynayaa inta Xaawa wasiirka caafimaadka tahay in gobol kasta oo Soomaaliya ka mid ah laga helo isbitaal gabdhuhu ku dhalaan oo degma walba laga helo isbitaal ay ku dhalaan oo tuula walba laga helo isbitaal ay ku dhalaan gabadhaha, waxay sharaf ku leedahay marka ay caafimaad qabto”. ayay tiri Batuulo.

Agaasimaha hay’ada PAC ee gacanta ku haysa isbitaalka Dayniile Maxamed Shafiicul Badawi ayaa waxaa uu ka hadlayaa howsha ka socota isbitaalka ee ay hay’adu hayso iyo xanuunada la daweynayo kuwooda ugu badan.

Wasiirka caafimaadka Xaawa Xasan Maxamed ayaa waxaa ay mahadnaq u jeedisay hay’ada isbitaalka gacanta ku haysa iyo dhakhaatiirta isbitaalka waxaana ay balan qaaday in wasaaradu garab taagan tahay isla markaana ay ku dadaali doonto in haweenka Soomaaliyeed ay caafimaad helaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya magaca xukuumada gaar ahaan wasaarada caafimaadka waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo ololahaan lagu daaweynayo laguna rabo in lagu ciribtiro dhibaatooyinka gabdhaha Soomaaliyeed ku dhaca markay isku furmaan oo ay dhalayaan marka waxaan rajeyneynaa in dhibaatooyinkaan runtii mardhaw aan xal u heli doono waxaan kaloo mahad u celinayaa PAC oo xil iska saaray in ay arintaan wax badan ka qabtaan”.ayay tiri wasiirka.

10 20 40 50 60 70 80 90

W/D: Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Wasaaradda waxbarashada oo xaqiijinta Amniga imtixaanka kala hadashay Boliiska

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay "SAWIRRO"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In