Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Deyniile-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Deyniile-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kormeerka wasiirka caafimaadka iyo xildhibaanada wehliyay ay ku tageen Isbitaalka Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ahaa mid ay ugu kuurgalayeen xaalada bukaano aad u badan oo ku jira isbitaalkaasi kuwaasi oo badankoodu ah haween iyo carruur laga kala keenay gobolada dalka Soomaaliya iyo magaalada caasimada ah.

Wasiirka caafimaadka marwo Xaawa Xasan Maxamed oo ay wehlyaan xilkdhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo xildhibaan Cabdiwali Maxamed Qanyare iyo sidoo kale Β gudoomiyaha haweenka Soomaaliyeed mas’uuliyiinta hay’ada gacanta ku haysa isbitaalka ee Pac ayaa waxaa ay mid mid ku kormeereen qolalka bukaanadu ku jiraan sida qaybaha jiifka ,saalada qaliinka iyo goobo kale waxaana ay xog wareysaneysay wasiiradu qaar ka mid ah bukaanada.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Kormeerka ka dib ayay warbaahinta la hadleen mas’uuliyiintu marwo Caasho Shaacuur Ugaas oo ku hadashay gudiga maamulka Isbitaalka hayo, marwo Batuulo Sheekh Axmed Gabale gudoomiyaha haweenka qaranka,iyo gudoomiyaha degmada Dayniile ayaa si wada jir ah u bogaadiyay kormeerka wasiirka iyo xildhibaanada.

β€œWasiir isbitaalkaan isbitaal Dayniilaa la yiraahdaa waa isbitaal muda dheer shaqeynahayey waagii ummadda la leenahayay oo ummadda dhibaatadu ku dhacday wuxuu ahaa halkii isbitaal ee dadka lacag la’aanta ku qalayay ee aan waligi qof lacag looga qaadan, ee Kaalkaaliyiyaal 150 kor u dhaafeysa iyo dhaqaatiir 50 ah ay habeen iyo maalin u taagnaayeenΒ  dadka Soomaaliyeed in la bad baadiyo”. waxaa sidaa yiri Caasho.

β€œWaxaana rajeynayaa inta Xaawa wasiirka caafimaadka tahay in gobol kasta oo Soomaaliya ka mid ah laga helo isbitaal gabdhuhu ku dhalaan oo degma walba laga helo isbitaal ay ku dhalaan oo tuula walba laga helo isbitaal ay ku dhalaan gabadhaha, waxay sharaf ku leedahay marka ay caafimaad qabto”. ayay tiri Batuulo.

Agaasimaha hay’ada PAC ee gacanta ku haysa isbitaalka Dayniile Maxamed Shafiicul Badawi ayaa waxaa uu ka hadlayaa howsha ka socota isbitaalka ee ay hay’adu hayso iyo xanuunada la daweynayo kuwooda ugu badan.

Wasiirka caafimaadka Xaawa Xasan Maxamed ayaa waxaa ay mahadnaq u jeedisay hay’ada isbitaalka gacanta ku haysa iyo dhakhaatiirta isbitaalka waxaana ay balan qaaday in wasaaradu garab taagan tahay isla markaana ay ku dadaali doonto in haweenka Soomaaliyeed ay caafimaad helaan.

β€œAnigoo ku hadlaya magaca Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya magaca xukuumada gaar ahaan wasaarada caafimaadka waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo ololahaan lagu daaweynayo laguna rabo in lagu ciribtiro dhibaatooyinka gabdhaha Soomaaliyeed ku dhaca markay isku furmaan oo ay dhalayaan marka waxaan rajeyneynaa in dhibaatooyinkaan runtii mardhaw aan xal u heli doono waxaan kaloo mahad u celinayaa PAC oo xil iska saaray in ay arintaan wax badan ka qabtaan”.ayay tiri wasiirka.

10 20 40 50 60 70 80 90

W/D: Axmed Cali Kaahiye

Previous Post

Wasaaradda waxbarashada oo xaqiijinta Amniga imtixaanka kala hadashay Boliiska

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay “SAWIRRO”

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Limpopo oo guddoomiye doortay "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In