Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 7, 2019
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowziya Abiikar Nuur oo dhawaan magaalada Roma ee xaruunta dalka Talyaaniga lagu gudoonsiiyay abaalmarinta qiimah badan ee Minerva  oo la siiyo haweenka dunida ugu saamaynta badan, ayaa maanta kusoo guryo noqotay caasimadda dalka.

Kulan soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo aad ugu faraxsanaa guusha ay gaartay, maadama ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee abaalmarintan ku guuleysta.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr Cabdullahi Xaashi Cali ayaa sheegay in dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka ay sharaf u tahay abaalmarinta la guddoonsiiyay Wasiir Fowziya Abiikar Nuur oo uu ku tilmaamay inay shaqo wanaagsan qabatay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Drs Fowziya Abiikar Nuur ayaa dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta loo sameeyay, waxeyna dhinaca kale tilmaamtay in kulamo dhowr ah ay la qaadatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Talyaaniga oo ay ugu horeyso dhigeeda Dalka Talyaaniga oo ay ka wada hadleen horumarinta caafimaadka dalka iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka

Next Post

Xallinta colaad muddo u dhaxeysay Beelo walaalo ah oo Muqdisho lagu soo geba gabeeyay”Sawirro”

Next Post
Xallinta colaad muddo u dhaxeysay Beelo walaalo ah oo Muqdisho lagu soo geba gabeeyay”Sawirro”

Xallinta colaad muddo u dhaxeysay Beelo walaalo ah oo Muqdisho lagu soo geba gabeeyay"Sawirro"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In