Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Oo Qaabilay Madaxda Midowga Bangiyada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Oo Qaabilay Madaxda Midowga Bangiyada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa maanta Xafiiskiisa Ku qaabiley Madaxda Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen Duulliye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dr Maxamed Xasan Maxamed iyo lataliyaal Sare.

Related posts

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

June 13, 2026
Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

June 13, 2026

Madaxda ka socotey Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ayaa warbixino ku saabsan wadashaqeynta aan xaddiga la hayn ee kala dhaxeysa Wasaaradda u gudbiyey Madaxda Wasaaradda Caafimaadka.

Xubnahan ayaa bogaadisey in Wasiirku aqoonsaday kaalinta ay Bangiyadu ku leeyihiin Horumarinta Caafimaadka oo markasta ay qeyb wayn ka yihiin, Waxayna xuseen in ay sii wadi doonaan howlaha ay gacanta ka geystaan ee isugu jira kuwa u baahan in markasto laga jawaabo maadaama Soomaaliya ay ku jirto Soo kabasho dhankasta ah.

Midowga Bangiyada ayaa hoosta ka xariiqey in ay maalgelin doonaan Mashaariicda Caafimaadka oo ah meelaha mudan in kor loo qaado maadaama Bulshadeenu u baahan tahay adeeg Caafimaad oo deegaan kasta gaara, waxayna ku tilmaameen gudasho waajib oo ka saaran Bulshadooda ( Corporate Social Responsibility) CSR.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn Madaxda Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ku booriyay in Maalgashi lagu sameeyo Qeybta Caafimaadka si loo helo habka daadajinta adeegga Caafimaadka.

Previous Post

Wasiirka Difaaaca XFS oo adkeenta Amniga kala hadlay midowga yurub iyo Midowga Afrika

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magacaabay Ergayga Gaarka Ah Ee Ganacsiga iyo Lataliyaha Arrimaha Shidaalka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magacaabay Ergayga Gaarka Ah Ee Ganacsiga iyo Lataliyaha Arrimaha Shidaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magacaabay Ergayga Gaarka Ah Ee Ganacsiga iyo Lataliyaha Arrimaha Shidaalka

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

June 13, 2026
0

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa maanta qaabilay wefdi ka...

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Tuulada Cayaaraha

June 13, 2026
0

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ayaa galabta kormeeray Tuulada Cayaaraha Dalka ee Stadio Muqdisho oo ka mid...

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

Hoggaamiyaha la doortay ee Koonfur Galbeed oo shir-guddoomiyay kulan looga arrinsanayay amniga

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay taariikhda kulan-ciyaareed rasmi ah ku matalaya Soomaaliya

June 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa galabta sameynaya taariikh cusub, maadaama ay markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In