Sunday, October 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Oo Qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta Ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cqli Xaaji Aadam oo uu wehliyo Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dr Maryam Maxamad Xuseen Duuliye ayaa Kulan la qaatey Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Amb. Salah Elguneid. Waxaa kulanka goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdinasir Mukhtaar Ibraahim iyo qaar kamid ah la taliyaasha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa ugu horeyn ku bogaadiyay Ururka Jaamacadda Carabta taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo Dawlada soomaaliya, isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista taageeradooda ku aadan dhanka Caafimaadka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026

Amb.Salah Elguneid ayaa dhankiisa ka war bixiyay mashariicda ay Soomaaliya ka taageeraan wuxuu sidoo kale cadeeyey in ay Wasaarada kala shaqeyn doonaan tayaynta Isbitaalada Dowladda ee ay gacanta ku heyso Wasaaradda Caafimaadka, iyo sidoo kale sare u qaadista xirafadda Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka howlgala Isbitaalada Dalka.

Ugu dambayntii waxaa la isku raacay xoojinta iyo dardargelinta mashaariicda Caafimaad ee ay Jaamacadda Carabta ka fuliso Soomaaliya si looga jawaabo xaaladaha Caafimaad darro ee ka dhashay abaaraha ka dilaacay dalka, gaar ahaan sida nafaqo darrada iyo koleeraha.

Previous Post

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Tuulooyin Hoostaga Janaale Ka Sifeeyay Argagixisada

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Ku Maamuusay Madaxweynaha Puntland

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Ku Maamuusay Madaxweynaha Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Qeybgalay Munaasabad Uu Ku Maamuusay Madaxweynaha Puntland

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In