Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo Riyaad uga qeybgalay shir caalami ah

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo Riyaad uga qeybgalay shir caalami ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo deryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Dr, Cali Xaaji Aadam ayaa magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudiga kaga qeyb galay madasha 3-aad ee Riyadh International Humanitarian Forum (RIHF3) taas oo looga doodayo baahida arrimaha Beni’aadannimo ee soo koraysa marba marka ka dambeysa.

Madashan oo heerkeedu sarreeyay ayaa ahayd wax ka qabashada arrimaha Beni’aadannimada si loo dhaqaajiyo isbeddel macno leh iyo wax ka qabashada arrimaha ugu muhiimsan caqabadaha bani’aadannimo ee caalamiga ah ee hadda jira iyo fududeynta doodaha ku saabsan horumarinta, xoojinta iyo bixinta gargaarka bini’aadanimo iyadoo loo eegayo heerarka ugu sarreeya ee tayada iyo waxtarka leh dadka ay saameeyeen adduunka.

Related posts

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026

Madasha oo ay marti gellisey Xarunta Gargaarka Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Samafalka ayaa waxaa kasoo qeybgaley madaxda dalalka Carabta, Khaliijka, hay’addah ka shaqeeya arimaha gargaarka caalami ah, iyo khuburo waawayn iyadoona Dowladda Soomaaliya uu ku matalayey Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirri gelinaysaa in la badiyo doodaha caynkan oo kale ah si baarayaasha ka socda waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah (LMICs), ay kor ugu qaadaan wax ka qabashada arimaha gargaaka iyo Bani’aadannimada.

Previous Post

Dowladda oo war rasmi ah ka soo saartay weerarkii ay Khawaarijtu ku qaaday guriga

Next Post

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo $1Bilyan ugu deeqday Yeman

Next Post
Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo $1Bilyan ugu deeqday Yeman

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo $1Bilyan ugu deeqday Yeman

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada magaalada Baydhaba

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal Soomaaliye Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,ayaa kulamo muhiim ah ka wada magaalada Baydhaba ee caasimadda kumeel...

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In