Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka oo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ka guddoontay deeq talaalka COVID-19 ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka oo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ka guddoontay deeq talaalka COVID-19 ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawsiya Abiikar Nuur ayaa 500,000 dose oo Tallaalka COVID-19 ah (Sinopharm) ka guddoontay Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.

Deeqdan Tallaalka ah ayaa qeyb ka noqonaysa dadaallada ay Wasaaradda Caafimaadka kusii xoojinayso ka hortaga faafida Caabuqa COVID-19.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Wasiir Dr. Fawsiya Abiikar Nuur ayaa Shacabka Soomaaliyeed lawadaagtay in dunidu ay hadda wajahayso nooc cusub oo COVID-19 ah, kaasoo loogu magacdaray Omicron Variant, Sidaa darteed Wasaaradda Caafimaadka waxey Daweynaha Soomaaliyeed ku Wargelinaysaa in Caabuqa COVID-19 uu dunida ku soo rogaalceliyay, Isla markaana uu Omicron Variant ku faafay in ka badan 40 dal oo dunida kamid.

Khubarada caafimaadka ayaa tilamaysa in Omicron Variant uu ka khatar badanyahay dhamaan noocyadii hore ee Caabuqa COVID-19.

Haddaba, si looga hortago halista wareegan cusub ee Caabuqa COVID-19, waxaa lagama maarmaan ah in dadka Soomaaliyeed ay qaataan feejignaadaan, raacaana talooyinka ka hortaga Caabuqa COVID-19 ee Wasaaradda Caafimaadka sida:

1) Joogteynta gacmo dhaqashada,
2) Xirashada afka iyo sanka,
3) hirgelinta kala fogaanshaha dadka uguyaraan masaafa dhan 1 mitir, iyo qofku uu daboolo afka iyo sanka ama siticmaamlo tiish marka uu qufacayo ama uu hindhisaayo
4) Qaadashada talaalka COVID-19.

Fadlan qaado talaalka COVID-19 oo badbaadi naftaada, qoyskaaga iyo bulshadaada. Sidoo kale, haddii aad isku aragto Qufac, qandho ha tegin goobaha ay bulshaddu isugu yimaadaan sida suuqyada, xafladaha, Aroosyada, fagaaraasha, Kulamda ciyaaraha, tacsida, iyo IWM. Wixii faahfaahin ah fadlan la xiriir number gaaban ee 449.

Previous Post

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post

Shirka hanaanka dhab u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Shirka hanaanka dhab u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Shirka hanaanka dhab u heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In