Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta Xariga ka jarey Xarunta Hawlgalada deg dega ah ee Caafimaadka Guud oo laga hirgaliyey Dalka markii ugu horreysey.
Munaasabadda xariga looga jarayey Xaruntan cusub waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dr Maxamed Xasan Maxamed, Agasimaha Macahka Qaranka ee Caafimadka, Agaasimaha Isbitaal Martiini iyo Agaasimayaal ka kale socday qeybaha kaladuwan ee Wasaarada Caafimaadka.
Xaruntan oo kashaqeyn doonta iskuxirka, kajawabidda deg dega ah iyo lasocoshada cudurada faafa ee markasta kadhici kara dalkeena, ayaa waxaa ka hawlgali doona Shaqaale u tababaran xirfadaas.
Agaasimaha guud ee macadka Qaran ee Caafimadka Dr Cabdifitaax Axmed Diiriye oo ugu horeyn ka hadley Munaasabadda ayaa ka sheekeeyey dadaaladii ay soo martey hirgalinta iyo dhismaha xaruntan muhimka u ah Bulsho waynta Soomaaliyeed.
Dhanka kale Munaaasabada waxaa ka hadlay masuuliyiinta ka soo qeyb gashey Xafladda oo ugu horeeyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda wasaaradda Caafimadka iyo Agaasime waxeedyada Wasaararadda.
Ugu danbayn Munaasabada Waxaa soo xirey Wasiirka Wasaradda Caafimadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam waxa uuna kahadlay muhiimadda ay xaruntan u leedahey hagaajinta Daryeelka Caafimaadka Bulshada Somaaliyeed iyo sida ay oga go’an tahey in loo dhameystiro dhamaan wixii agab ah oo kadhiman sidaas oo kale Wasiirku waxa uu xusey in ay jiraan labo xarun oo kale oo xaruntan la shaqeyn doona oo laga hirgaliyey DXDFS iyo in lagu gudu jiro dhamaystirka qeybaha kale ee Gobolada dalka iyo sidii loogu shaqeyn lahaa Bulshada Soomaliyeed.