Friday, October 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka golaha Caafimaadka Adduunka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka golaha Caafimaadka Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Caafimaadka Adduunka kisii 77-aad oo si rasmi ah uga furmay maanta magalaada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaji Aadan loogu doortay inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Golaha Shirwaynaha Caafimaadka Adduunka.

Golahan oo sanad walba mar ku kulma Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa waxaa lagu lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh Caafimaadka Adduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya wadamada Adduunka oo dhan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Sanadkan waxyaabaha shirkan Caafimaadka Adduunka looga doodaya waxa ugu horeeya hindise ay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya soo jeedisay, kaas oo ujeedadiisu yahay in Adduunku uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka, si loo gaaro hadafka guud ee golaha, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay ciyaareyso door muhiim ah oo ka dhax muuqda guud ahaan golaha iyo miiska arrimaha Caafimaadka ee Adduunka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodi doonaa qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudurada dilaaca ee dhibaato ba’an ku haya guud ahaan dunida wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ay hadda miiska joogaan, sidoo kale waxay muujinaysaa in dunida meel qura kaga soo jeesatey xal u helidda xaalad kasta oo Caafimaad.

Wafdiga Soomaaliya ee uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka XFS waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guled Cabduljalil, Agaasimaha Machadka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Agaasime Waaxeedyo iyo Lataliyayaal.

 

Previous Post

FM Receives Immigration Director General to Address Passport Management Strategies

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Jarmalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Jarmalka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In