Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka golaha Caafimaadka Adduunka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka golaha Caafimaadka Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Caafimaadka Adduunka kisii 77-aad oo si rasmi ah uga furmay maanta magalaada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaji Aadan loogu doortay inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka Golaha Shirwaynaha Caafimaadka Adduunka.

Golahan oo sanad walba mar ku kulma Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa waxaa lagu lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh Caafimaadka Adduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya wadamada Adduunka oo dhan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sanadkan waxyaabaha shirkan Caafimaadka Adduunka looga doodaya waxa ugu horeeya hindise ay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya soo jeedisay, kaas oo ujeedadiisu yahay in Adduunku uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka, si loo gaaro hadafka guud ee golaha, taas oo muujinaysa in Soomaaliya ay ciyaareyso door muhiim ah oo ka dhax muuqda guud ahaan golaha iyo miiska arrimaha Caafimaadka ee Adduunka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodi doonaa qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudurada dilaaca ee dhibaato ba’an ku haya guud ahaan dunida wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ay hadda miiska joogaan, sidoo kale waxay muujinaysaa in dunida meel qura kaga soo jeesatey xal u helidda xaalad kasta oo Caafimaad.

Wafdiga Soomaaliya ee uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka XFS waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guled Cabduljalil, Agaasimaha Machadka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxiyadiin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Agaasime Waaxeedyo iyo Lataliyayaal.

Previous Post

FM Receives Immigration Director General to Address Passport Management Strategies

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Jarmalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Jarmalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Wafdi ka socda Jarmalka

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In