Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Madaxda dalka Shiinaha kala hadashay wax u qabashada Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Drs Xaawo Xasan Maxamed oo booqasho rasmi ah ku tagtey Dalka Shiinaha ayaa halkaasi kula kulantay dhigeeda Caafimaadka ee Dalka Shiinaha Li Bin, oo ay ka wada hadleen sidi dib loogu soo celin lahaa mashaariicdii caafimaadka ee ay ka fulin jireen gudaha dalka, gaar ahaan in dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka Benadir oo ka mid ah Isbitaalada ay horay dhiseen Shiinaha, Sidoo kale in dib loo soo celiyo Qubaradii caafimaad ee ay u soo diri jireen Soomaaliya.

Labada Wasiir aya waxay ku heshiyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan wafdi ka socdo Wasaaradda Caafimaadka ee Dalka Shiinaha loo soo diro Soomaaliya, si ay uso qiimeeyaan baahida caafimaad ee dalka ka jirta, sidoo kale waxa la isku afgartay in heshis labada dal ah lagala saxiixdo dhawaan.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaaliya iyo Wafdiga ay hogaamineyso waxay sidoo kale booqdeen saddex Gobal oo ka mid dalka Shiinaha, gar ahaan waxay si gooni ah u booqdeen Warshadaha soo saara daawooyinka, isbitaalada wadanka, Jaamacadaha Dalka iyo Xarumaha Cilmi Baarista ee Wadanka Shiinaha, ayadoo dhamaan balan qaadyo rasmi ah kasoo heshay dhamaan meelihi wafdika Soomaaliya uu booqday.

Drs Xaawo Xasan Maxamed waxay sidoo kale la kulantay madax kala duwan oo Dalka Shiinaha gaar ahaan Guddomiyayaasha saddexda Gobal ee ay booqatay, waxayna isku dhaafsadeen kulankaas arrimo la xariiro sidii kor loogu qaadi lahaa tacliinta iyo deeqda wax barasho ee la sinaayo ardayda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya waxay kala hadashay dhamaan madaxdii ay la kulantay in ardayda Soomaaliyeed laga caawiyo dalka ku galka Wadanka Shiinaha oo maalmahan aad ugu adkaa ardayda heshay wax barashada dalkaasi.

Wasiirka waxa ay madaxdii ay la kulantay ay ka codsaday in ardayda Soomaaliyeed oo aad uga cabanayey in caqabad dhinaca helida qabuuraha Muslimiinta marki uu qof ka geeriyodo ay kala kulmaan, ay si fican ugala hadashay in lagu ixtiraamo ardayda Soomaaliyeed dhaqankooda iyo diintoda taaso ay aqbaleen madaxdii ay la kulantay.

Wasirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaaliya iyo wafdiga la socday waxay la kulmeen ardayda Soomaliyeed ee wax ka barata Dalka Shiinaha, kulankaas oo runtii la isku dhaafsaday horumarka ay ku tilaabsadeen ardayada iyo dhibaatoyinka ay qaban, waxayna balan qaaday in dhamaan dhibaatooyinkaas la gaarsin doono madaxda Dalka waxna laga qaban doono.

4 China and Somali Health Ministr IMG_2071 IMG_2077 IMG_2208 IMG_2221 IMG_2405 IMG_2467 IMG_2468 IMG_2851 IMG_2968 IMG_3024 IMG_3119 IMG_3123 IMG_3132 IMG_3134 Wasiirka Caafimaadka Somalia iyo Governor Jilin Province

Nuur Ismail Sheikh

Previous Post

Wasiiro iyo Xildhibaanno ka qeyb galay xuska 15 ka May oo xalay lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

C/raxmaan Jeylaani oo Indhaha loo fiiqay iyo  Xil Dhuxulow oo caawiyey ardeygaasi (Sawirro)

Next Post
C/raxmaan Jeylaani oo Indhaha loo fiiqay iyo  Xil Dhuxulow oo caawiyey ardeygaasi (Sawirro)

C/raxmaan Jeylaani oo Indhaha loo fiiqay iyo  Xil Dhuxulow oo caawiyey ardeygaasi (Sawirro)

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In