Munaasabad kooban ooo xariga looga jarayay xarunta cusub ee hooyada iyo Dhallaanka oo lagu kordhiyay isbitalka Deyniile ee Muqdisho waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Mawro Fowsiyo Abiikar Nuur madaxda Hayโadda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo kaalin ka qaadatay hirgelinta iyo qalabeynta xaruntaasi,guddoomiyaha demada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar iyo xubno kale,kuwaasi oo ku ammaanay Hayโadda Qatar Charity sida ay u garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed goor kasta.
Masโuuliyiintan ayaa si wada jir ah u kormeerey qeybaha xaruntaasi ay ka kooban tahay,iyagoo u kuurgalayay habka loo qalabeeyey iyo dhismaheeda iyo in ay dabooli karto baahiyaha bukaanada,wasiirka caafimaadka ayaa maamulka isbitalkaasi ka dhageystay warbixin ku saabsan qaabka loo qalabeeyey xaruntaasi iyo sida ay bukaanada baahiyohooda u dabiili karto.
Cabdi Nuur Xaaji Cali Madaxa Hayโadda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa faah faahiyay dowrkoodi ku aadan howlaha xaruntaasi cusub lagu hirgeliyay iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.
โMaanta waxaa farxadweyn inoo ah in aan furno xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Isbitalka Deyniile,xaruntan waxaa ay ka kooban tahay 11 qol oo dhamaan qeybaha loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka ka kooban farmashi leh,qeybtii Sheybaarka leh,marka xaruntaasi waxaa dhistay oo maalgelisay Qatar Charity,waxaana howsha socodsiinaysa Hayโadda back.โ. ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali
Wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa bogaadiysay howlaha lagu garab istaagayo dadka danyerta ah,iyadoo ka wasaarada ahaan sheegtay in dowrkodi ay ka qaadanayaan sidii loo daabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee bulshada.
โHayโadda Qatar charity waxbadan ayay dalka ka qabatay,ma ahan oo kaliyaha xaruntan,waan u mahadcelinaynaa,xaruntan hooyada iyo dhalaanka waa waxyaabaha wadanka uu u baahanyahay,meelaha dalka uu ka nugulyahay waa Hooyada iyo Dhalaanka,anaga waxaan ku dadaalaynaa wax allaale wixii karaankeeni ah in aan raadinoโ.ayay tiri wasiirka Caafimaadka.