Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS  oo daahfuray Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS  oo daahfuray Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC), oo ah gole madax banaan oo ay shaqadoodu tahay in ay bulshada ka ilaaliyaan xadgudubyada ka dhasha howlgallada Caafimaadka, horumarinta anshaxa xirfadlayaasha caafimaadka, diiwaangalinta iyo ruqsad siinta mihnadlayaasha caafimaadka iyo nidaaminta hab-dhaqankooda xirfadeed iyo sidoo kale xaqiijinta badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta munaasabad lagu aahfurayey lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda daahfurka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro heer Federaal iyo heer dowlad gobleed , Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Madax ka socota Hey’addaha kale ee Dowladda iyo Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya howlaha Caafimaadka Soomaaliya waxaana ugu horeyn madasha looga hadlay muhiimada uu golahan u leeyahay dalka.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026

Wasiirka waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliyq mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, ayaa xusay in la helo cid maamusha adeegyada caafimaad ee dalka ka jira ay qeyb ka tahay amniga Qaranka iyo badbaadinta bulshada.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Dr Cali Xaaji Aadan oo si rasmiya u daahfuray Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa sheegay in laga bilaabo maanta aysan jiri doonin Dr Fanaxyo bulshada Soomaaliyeed ku dhibaateeya magaca caafimaadka iyo kalkaaliye shisheeye oo loo soo kireysto dhakhtar ahaan isla markaana bulshada Soomaaliyed dhibaateeya .

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo ka kooban 15 xubnood lagana soo kala xulay Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo tacliinta sare, cadaaladda, iyo dhammaan ururadda mihnadlayaasha Caafimaadka dalka, ayaa waxay diiradda saari doonaan inay bulshada Soomaaliyeed ka ilaaliyaan ku-takri-falka adeegga caafimaadka iyo horumarinta heerarka anshaxa ee xirfadlayaasha Caafimaadka Soomaaliya.

 

Previous Post

Mid kamid ah Wasiirada Uganda oo toogasho lagu dilay

Next Post

Xoolo dhaqato ka soo jeedda Puntland oo lagu wareejiyay 12 Neef oo Geel ah

Next Post
Xoolo dhaqato ka soo jeedda Puntland oo lagu wareejiyay 12 Neef oo Geel ah

Xoolo dhaqato ka soo jeedda Puntland oo lagu wareejiyay 12 Neef oo Geel ah

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In