Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS  oo daahfuray Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS  oo daahfuray Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC), oo ah gole madax banaan oo ay shaqadoodu tahay in ay bulshada ka ilaaliyaan xadgudubyada ka dhasha howlgallada Caafimaadka, horumarinta anshaxa xirfadlayaasha caafimaadka, diiwaangalinta iyo ruqsad siinta mihnadlayaasha caafimaadka iyo nidaaminta hab-dhaqankooda xirfadeed iyo sidoo kale xaqiijinta badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada Soomaaliyeed ayaa maanta munaasabad lagu aahfurayey lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda daahfurka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro heer Federaal iyo heer dowlad gobleed , Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Madax ka socota Hey’addaha kale ee Dowladda iyo Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya howlaha Caafimaadka Soomaaliya waxaana ugu horeyn madasha looga hadlay muhiimada uu golahan u leeyahay dalka.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Wasiirka waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliyq mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, ayaa xusay in la helo cid maamusha adeegyada caafimaad ee dalka ka jira ay qeyb ka tahay amniga Qaranka iyo badbaadinta bulshada.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Dr Cali Xaaji Aadan oo si rasmiya u daahfuray Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa sheegay in laga bilaabo maanta aysan jiri doonin Dr Fanaxyo bulshada Soomaaliyeed ku dhibaateeya magaca caafimaadka iyo kalkaaliye shisheeye oo loo soo kireysto dhakhtar ahaan isla markaana bulshada Soomaaliyed dhibaateeya .

Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo ka kooban 15 xubnood lagana soo kala xulay Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo tacliinta sare, cadaaladda, iyo dhammaan ururadda mihnadlayaasha Caafimaadka dalka, ayaa waxay diiradda saari doonaan inay bulshada Soomaaliyeed ka ilaaliyaan ku-takri-falka adeegga caafimaadka iyo horumarinta heerarka anshaxa ee xirfadlayaasha Caafimaadka Soomaaliya.

Previous Post

Mid kamid ah Wasiirada Uganda oo toogasho lagu dilay

Next Post

Xoolo dhaqato ka soo jeedda Puntland oo lagu wareejiyay 12 Neef oo Geel ah

Next Post
Xoolo dhaqato ka soo jeedda Puntland oo lagu wareejiyay 12 Neef oo Geel ah

Xoolo dhaqato ka soo jeedda Puntland oo lagu wareejiyay 12 Neef oo Geel ah

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In